Guinea:-Ciyaartoyga Paul Pogba Hooyadii Oo Xil Loo Magacaabay

0
Saturday January 05, 2019 - 09:10:11 in by salman abdi
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guinea:-Ciyaartoyga Paul Pogba Hooyadii Oo Xil Loo Magacaabay

    Xiriirka kubadda Cagta ee dalka Guinea ayaa hooyada dhashay laacibka Manchester United qadka dhexe uga dheela ee Paul Pogba u magacaawday safiirka kooxda Kubadda Cagta haweenka ee dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka kubadda Cagta ee dalka Guinea ayaa hooyada dhashay laacibka Manchester United qadka dhexe uga dheela ee Paul Pogba u magacaawday safiirka kooxda Kubadda Cagta haweenka ee dalkaasi.

Magacaabista Yeo Moriba ayaa imanaysa kadib markii ay kulan wada qaateen iyada iyo Mamadou Antonio Souare oo ah madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta ee dalkaasi.

Souare ayaa ku raja weyn in Paul Pogba iyo mataanayaasha la dhashay ee Florentin iyo Mathias ay hooyadood ka caawin doonaan shaqadeeda cusub.

Moriba qudheeda ayaa waxa ay ka mid ahaan jirtay kooxda haweenka qaranka ee Guinea.

"Waxa aan ku faraxsanahay tallaabada ay qaadeen xiriirka Kubadda Cagta iyomadaxweynahooda ayay tiri Moriba,"

 

Florentin iyo Mathias oo labaduba u soo cayaaray kooxda Syli Nationale ayaa waxa ay ku dhasheen dalka Guinea ka hor inta Moriba aysan u guurin Faransiiska oo ah halka Paul Pogba ku dhashay.

Florentin ayaa markii ugu dambeeysay u cayaarayay kooxda Genclerbirligi oo ka dhisan dalka Turkiga, halka Mathias oo ah weeraryahan uu haatan u dheelo naadiga Tours oo ka dhisan dalka Fransiiska.

Kooxda Qaranka Haweenka ee Guinea ayaanan waligood usoo gudbin Koobka Qaramada Afrika iyo Olimbikadaba.

Sources: BBC Somali