Norway oo 54.3 milyan oo dollar ku bixinaysa dib u dhiska Soomaaliya

0
Saturday January 05, 2019 - 16:54:11 in by salman abdi
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Norway oo 54.3 milyan oo dollar ku bixinaysa dib u dhiska Soomaaliya

    Norway oo 54.3 milyan oo dollar ku bixinaysa dib u dhiska Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Norway oo 54.3 milyan oo dollar ku bixinaysa dib u dhiska Soomaaliya
Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka.


Dhaqaalahan ayeey sheegtay Norway in ay ugu talagashay in looga hortago xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniga Soomaaliya la soo dersa.
Wasiiru-dowlaha horumarinta dalkaasi Norway u qaabilsan Nikolai Astrup ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla maarkaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soomaaliya kuna ku wajahan danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo intaa raaciyay in arrintan ay tusaale u tahay sida ay Dowladda Norway ugu kalsoon tahay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu cadeeyay Nikolai Astrup in kaalmadan ay Dowlasiisa u fidinayso Soomaaliya ay sii saacidayso horumarka, degenaashaha iyo Amaanka Soomaaliya oo sii wanaag-sanaanaya.