Mudane Madaxweyne Ma Boqol Doollar iyo Boqol Kitaab! WQ: Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

0
Sunday September 21, 2014 - 09:01:22 in by Super Admin
  • Visits: 1217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudane Madaxweyne Ma Boqol Doollar iyo Boqol Kitaab! WQ: Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

    Asalaamu Calaykum Marka hore aan Farxada la Qaybsado oo aan Hambalyo Qaali ah u diro Lamaanaha Sharafta badan ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum Marka hore aan Farxada la Qaybsado oo aan Hambalyo Qaali ah u diro Lamaanaha Sharafta badan ee


Meherkoodu ka Dhacay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland oo kala ah Halyeey Muuse Xasan Yuusuf iyo Marwo Hodan Axmed Maxamuud, Aniga oo Allaha Awoodda badan uga baryaya inuu ka dhigo reerki isku waara ee uu Ubad khayr qaba uu Allah kala siiyo. Aamiin.

Ma jirto Maalin uga Farxad iyo Rayn-rayn badan Aabbo kasta iyo Hooyo kasta marka Inantooda la soo doono, ama uu Inankoodu guursanayo, waa Maalin Farxadeed aad u qiimo badan oo nolosha waalidka ku suntan, waa maalinta Aabbo kasta iyo Hooyo kasta ay niyadoodu si fiican u degto ee ay arkaan kuna il-qabowsadaan Ilmihii ay dhaleen oo yagleelay Qoys Nagaadi ah, waa maalinta ay arkaan Ubadkoodii ay ku soo tabceen oo Guri galay, waa maalinta Waalid kastaa uu Allah ugu Mahadnaqo inuu nolol ku soo gaadhsiiyay Ilmahoodii oo reer yeeshay. Waxaan Farxadaas ugu Hambalyaynayaa lana Qaybsanayaa Waalidiinta Muuse iyo Hodan.

Iyada oo dhaqankeena soo jireenka ah ay ka mid tahay marka Inan reerkooda laga soo doonayo inay jiraan qodobo aasaasi u noqda guurkaas oo kala ah Meherka Inanta, Gabaati iyo Yarad gacanta la isu dhiibo , ayaa waxaa cid kasta Farxad galiyay gaar ahaan dhalinyarada guurka u Feedhanaysana sida Islaamnimada, Sharafta iyo Karaamada lahayd ee uu dhacay Meherka Mudane Muuse Xasan Yuusuf iyo Marwo Hodan Axmed Maxamuud, waxa lagu diirsaday oo Tusaale Taariikhi ah Bulshadeena u noqonaysa Meherka ka kooban Boqolka Doolar iyo Boqolka Kitaab ee lagu Meheriyay Inanta uu dhalay Madaxweynaha Qaranka Somaliland, waa Meher aan Isla weyni iyo Kibir ku jirin oo dariiq fiican iyo tusaale muuqda u ah Ummada reer Somaliland, waana Meher Yididiilo iyo Rejo galinaya Kumanaan kun oo ka mid ah Dhalinyaradeena guurdoonka ah.

Waa Waajib Diiniya iyo mid Damiiri ah in la Fududeeyo Qiimaha lacageed ee Meherka, si ay Dhalinyaradeenu u awoodaan inay reero dhistaan. Waxaana ku waajib ah Bulshada reer Somaliland ee Dalka gudihiisa iyo Dibadiisa ku sugani inay raacaan oo ay ku daydaan sida wanaagsan ee Xalay Boqolka Doolar iyo Boqolka Kitaab loogu Meheriyay inanta uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Culimada, Aqoonyahanka, Haweenka, iyo Laamaha Warbaahinta ee kala duwan ayaa iyagana laga sugayaa inay Bulshada ku wacyi galiyaan in la khafiifiyo oo la yareeyo shuruudaha dhaqaale ee lagu xidho Meherka iyo Guurka si aan arrimo dhaqaale uga hor istaagin in qoysas cusub la dhiso.


Ugu Danbayn waxaan mar kale Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Saaxiibkay Muuse Xasan Yuusuf oo ah Muwaadin wax badan u taray Dalkiisa, qayb libaaxna ka geystay Horumarinta Caafimaadka Dalkeena, si xooggna ugu hawl galay isku xidhka Laamaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ee Dalkan UK iyo Dalkeena Hooyo ee Somaliland, waxaanan isaga iyo Marwadiisa Hodan Axmed Maxamed Allah uga barayayaa inuu ka dhigo Qoyskii isku Waara ee Ubad khayr qaba Allah uu kala siiyo. Aamiin, Waxa kale oo aan Madaxweye Siilaanyo iyo Marwada Koowaad ku Amaanayaa sida aanay isla weynidu ku jirin ee ay u dhiseen Inantooda, taasoo aad uga duwan sida ay sameeyaan Madaxda kale ee Afrika iyo kuwa Dunida qaarkood, waxaana dhamaanteed ku waajib ah inaynu raacno dariiqaas wanaagsan ee ay inoo jeexeen Qoyska Madaxweynuhu.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

kaysar@diplomats.com