Soomaaliya Oo Dawladda Ingiriiska U Gudbinaysa Dacwad Ka Dhan Ah Socdaalkii Uu Xoghayaha Difaaca UK

0
Wednesday January 09, 2019 - 13:43:05 in by salman abdi
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Dawladda Ingiriiska U Gudbinaysa Dacwad Ka Dhan Ah Socdaalkii Uu Xoghayaha Difaaca UK

    Soomaaliya Oo Dawladda Ingiriiska U Gudbinaysa Dacwad Ka Dhan Ah Socdaalkii Uu Xoghayaha Difaaca UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya Oo Dawladda Ingiriiska U Gudbinaysa Dacwad Ka Dhan Ah Socdaalkii Uu Xoghayaha Difaaca UK

Warar xogogaal ah oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inay habeen hore [habeenimadii salaasadu soo galaysay] uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo madaxtooyada Soomaaliya ku qabtay shir kooban oo ay kala qayb galeen Raysal wasaarihiisa Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad, waxaana wax la iska weydiiyay socdaalka uu xoghaye Gavin ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in socdaalkaas iyo ogaysiin la’aanta dawladoodu ay tahay xad gudub ay dawladda Ingiriisku samaysay oo aan laga aamusi Karin, waxaanu ku taliyay in sida ugu dhaqsaha badan looga jawaabo.



 

 

 

 

 

 

 

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa isna sida uu warku sheegay wuxuu sheegay in haddii aan jawaab deg deg ah laga bixin socdaalkaas xoghayaha difaaca Ingiriiska ay dawladda UK ku dhaqaaqi karto talaabooyin kale, waxaanu intaas raaciyay inaan la aqbali Karin in dawladda Ingiriisku ku xad gudubto wax uu ugu yeedhay midnimada Soomaaliya.

 

 

 

Raysalwasaare Khayre ayaa waxa kale oo uu soo jeediyay inay Soomaaliya xidhiidhka u jarto dawladda Ingiriiska oo uu sidoo kale sheegay inay jiraan khaladaad hore oo ay ka dulqaateen.

 

 

 

Laakiin Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad, ayaa soo jeediyay inaan lagu deg degin talaabadaas, maadaama oo toddobaad ka hor ay caydhiyeen ergaygii Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom.

 

 

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Khayre, ayaa ugu dambayn waxa ay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad fareen laba qodob oo kala ah


 

 

 

 

 

 

  1. In sida ugu dhaqsaha badan loogu yeedho safiirka Ingiriiska u jooga Muqdisho danjire David Con loona muujiyo dareenka taban ee ay dawladda Soomaaliya ka qabto socdaalka xoghayaha gaashaandhiga Ingiriisku uu ku tagay Hargeysa
  2. In Wasaaradda arrimaha dibaddu ay dhambaal u dirto Wasaaradda arrimha dibadda ee Ingiriiska, taas oo nuxurkeedu noqon doonto dacwad ka dhan ah socdaalka xoghayaha gaashaandhiga ee Ingiriiska.

 

 

 

Xoghayaha difaaca Ingiriiska oo Axadii socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada qaranka Somaliland.