Isbedelka xadaraada iyo Xuquuqda Dumarka.. W/Q Naciima Cabdi Galiixe Qaybtii 7aad

0
Sunday September 21, 2014 - 09:32:12 in by Super Admin
  • Visits: 2145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbedelka xadaraada iyo Xuquuqda Dumarka.. W/Q Naciima Cabdi Galiixe Qaybtii 7aad

    Taxanaheenii aan kaga warami jiray is bar-bardhiga Dumarka Islaamka ah iyo kuwa reer galbeedka ah manta waxaynu ku so qaadan doona Gabadh Waayo Arag Ah Iyo Waano Muhiim Ah oo ay Haweenka Islamka ah uso jedisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taxanaheenii aan kaga warami jiray is bar-bardhiga Dumarka Islaamka ah iyo kuwa reer galbeedka ah manta waxaynu ku so qaadan doona Gabadh Waayo Arag Ah Iyo Waano Muhiim Ah oo ay Haweenka Islamka ah uso jedisay.



Wargeyska AL-Mujtama cadadkiisii 1890, soona baxay 20/2/2010, ayaa qoray dhambaal ay gabadh suxufiyada oo caan ah lana yidhaa Jawana una dhalatay Dalka Maraykani ay ku amaanayso Dumarka muslimiinta ah noloshooda. Qoraalka waxa kale oo lagu daabacay mareego badan oo ay ka mid tahay Website-ka "Women and islam/thread”.

Waa weedho ka soo burqanaya, gabadh waayo arag ah oo ku soo gubatay dhimbiilaha xadaarada iyo ilbaxnimada reer galbeedka oo ay si gaar ah ugu hoos dulman yihiin dumarku. Iyagoo wakhtigan haweenka galabeedku si weyn u dareemaya in wixii loo sheegay ahaayeen dhalanteed sidaas awgeed waxaa beryahan aad u so faro badanaya dumarka u soo arooraya webiga islaamka si ay uga raystaan oonka iyo haraadka caqiida xumadaa, Waxa kale oo dhib ku haya adddoonsiga afkaarta caalwaaga ah ee muddaba ay u dabranaayeen ee hagayaan kuwa xaasaskooda, Hooyooyinkood iyo walaalhood dhibta ku haya, haddana indhaha ka lalinaya guryahooda.

 

 

 

Suxufiyaddani waxay hadalkeeda ku bilowday:

”Walaalahayga muslimaadka ahaw waxaan arkayaa tiiyoo mid kasta oo idinka mid ahi ay xanbaarsan tahay ilmo amase ay hareeraheeda joogaan carruuri. Inkastoo hablaha muslinka ah uu ku soo jiidanayo dharka xushmada leh ee ay xidhan yihiin haddana waxaa taas ka sii daran quruxdooda ka soo widh-widhaysa labiskooda waxa dhaafsan ee gudaha ah, anigu ma dareemayo keliya quruxda hablahaas dushooda ka soo baxaysa balse waxaan kale oo aan hoosta ka dareemayaa wax qariiba, waxa weeyaan waxa aan dareemayaa xasad marka aan eego xaaladdiina aad ku jirtaan.

Haddana wax kale oo ii bannaani ma jiraan oo aan ahayn in aan la dhaco oo aan idiin hanneeyo awooddiinna, quruxdiina, xushmaddiina, Iyo karamadiina, Waxa intaasi kaba sii daran badhaadhaha aad ku nooshihiin.

Arrinkiino u muuqdo wax la yaab badan, badhaadhihii ayaa dushiina ka soo baxay oo wejiyadiinana ka muuqda maxaa yeelay waxaad ku nooshihiin noloshii dabiiciga ahayd ee loogu talo galay in qofka dumari ay ku noolaato taas oo ahayd sidii ay dumarkii inaga horreeyayba u noolaayeen ilaa iyo laga soo bilaabo xilligii ay noloshuba bilaabantay.

Annaguba sidaas ayaan ku noolayn ilaa laga soo gaadhayay lixdameedyadii, markaas oo cadawgu nagu qar-qiyay rasaastiisa, ma ahayn rasaasta dhabta ah balse waxay nala dhaceen rasaasta khiyaamada iyo fasahaadka ahklaaqda ah.

Holywood ayaa roobka nagaga dhigtay rasaas iyada oo noo adeegsanaysa khiyaamooyinka indho sarcaadka ku dhisan haddaanu nahay hablaha Maraykanka, sidaas oo kale ayay idinkana idinla rabaan haddaad tihiin hablaha muslimka ah.

Markaas ayaanad noqon doontaan qaar aad uga murugoda halkaad ku dhacdeen oo aad dareemi doontaan xaqiraad iyo hoosayn, laakiinse waad ka bad-baadi doontaan jabkaa laydiin maleegayo waase goorma? Waa haddii aad dhegaysataan taladayadan idiinka imanaysa annaga oo ah kuwo la dhibaataysan hortiina dhaawacyada naga soo gaadhay taabashadooda iyo raadayntooda shaydaaniga ah ee naxariistu ka fogtahay, waxaan idiin sheegayaa wax kasta oo idinkaga imanaya dhinaca Holywoodku waa beeno, waa xaqiiqadii oo lagu majara habaabinayo qiiq.

Haddaanu nahay haweenka waxa ugu wanaagsan ee aan qabanaa waa rabbaynta carruurteenna, inaan raaxo iyo karti u samayno rageenna aan jecelnahay, laakiinse haddii aanu nahay dumarka Maraykanka annaga waa nala khiyaameeyay ka dib markii nalaga dhaadhiciyay in aan noqon doonno qaar intan ka badhaadho iyo nicmo badan haddii aanu shaqaale noqono markaasna aanu hantino guryo noo gaara oo aan keligayo ku noolaano, oo aan abuurno jacaylka cidda aanu doono. Waxaan idiinka digayaa in aad nagu eegtaan il hoose iyo xaqiraad oo aad na yastaan amaba aad ku fekertaan in aanu nahay qaar sidan iyagu raali ka ah oo jecel.

maaha arrinku sidaa waxaa jirtay in markii aanu soo koraynay aanaan helin aabayaal na gacan qabta oo na haga, maxaa yeelay halkan waxa la bur-buriyay wixii loo yaqaanay qoyska,waxaanan filayaa in aad idinkuba garanaysaan cidda shirqoolkaa ka damabaysay Haddaba haysta oo xejista wanaagiina sharaftiinaas, iyo akhlaaqiyaadkiina waxaan idiin rajaynayaa in aad u aqbali doontaan nasteexadan sidaan ula jeeday, wax kale nasteexadan idiinkumaan soo dirin balse waa waano ku timi saaxiibtinimo, ixtiraam iyo u bogid aan u bogay noloshiina wanaagsan, Waa walaashiina Masiixiga ah ee idin jecel, nasiib wanaag iyada oo jawana muslintay wakhti yar ka dib

Jawaana Faransiis

Waxa lagu hal-maalaa, Hooyo ababintaadee

Hayin lagu badhaadhaay, Hogol lagu qaboobaay

Gogol lama huraaneey, Dugsigii hufnaantaay

Hidda lagu arooraay. (Hadraawi)




La soco qaybaha kale…..

Naciima Cabdi Galiixe


Kuliyada Barashada Siyaasada Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah Ee Jamacada New Generation University

Email:naciimagaliixe@gmail.com

ALLAA MAHAD LEH