Hal Milyan Hala Siiyo Usbuucii, Wuu U Qalmaa Wax Walba- Taageereyaasha Manchester United Oo Amaan Kala Dul-dhacay Xiddigii Guusha U Horseeday Xalay

0
Monday January 14, 2019 - 12:51:02 in by salman abdi
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Milyan Hala Siiyo Usbuucii, Wuu U Qalmaa Wax Walba- Taageereyaasha Manchester United Oo Amaan Kala Dul-dhacay Xiddigii Guusha U Horseeday Xalay

    Hal Milyan Hala Siiyo Usbuucii, Wuu U Qalmaa Wax Walba- Taageereyaasha Manchester United Oo Amaan Kala Dul-dhacay Xiddigii Guusha U Horseeday Xalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal Milyan Hala Siiyo Usbuucii, Wuu U Qalmaa Wax Walba- Taageereyaasha Manchester United Oo Amaan Kala Dul-dhacay Xiddigii Guusha U Horseeday Xalay

Manchester United ayaa xalay guushii lixaad oo xidhiidh ah gaadhay intii uu tababareOle Gunnar Solskjaer hayey shaqada, waxaanay xalay garoonka Wembley kaga soo gudbeen tijaabadii ugu adkayd ee cahdiga tababaraha cusub kaaddib markii ay saddexda dhibcood ka soo qaateen Tottenham oo ay marti u ahaayyeen.

Manchester United ayaa dhibco ahaan lasoo simantay Arsenal oo ay wada yeesheen min 41 dhibcood, waxaana lagaga horreeyaa farqiga goolasha oo kaliya oo booska shanaad ay Gunners ku fadhidaa, hase yeeshee, bandhig ciyaareedka cusub eeOle Gunnar Solskjaer kusoo kordhiyey Red Devils ayaa muujinaya saadaal ah in ay u socoto meel ka sarraysa halka ay hadda taagan tahay ee ay Arsenal isku cidhiidhsanayaan.

Gool kaliya oo garoonka ka dhashay ayaa waxa Manchester United u dhaliyey Marcus Rashford oo kubbad meel fog ka timid ka helay Paul Pogba, waxaana ay ku dhamaatay 1-0, laakiin Manchester United guusheeda ugumay mahad naqin laacibka goolka u dhaliyey, waxaase uu halyeygoodu ahaa goolhaye David de Gea oo sameeyey wax aanay cidina rumaysan karin.

Goolhayaha reer Spain ayaa waxa uu ka badbaadiyey goolkiisa 11 kubbadood oo dhamaantood goolal noqon lahaa haddii aanu isagu joogi lahayn, waxaana la siiyey abaal-marinta xiddiga garoonka, iyadoo ay Tottenham iyo weerarkeeda halista ah sameeyeen wax kasta oo ay kubadda ku dhaafin karayaan, hase yeeshee, si cajiib ah iskaga difaacay isku-day kasta oo Spurs samaysay.

 

Qaybtii hore iyo qaybtii labaad ee ciyaartaba, waxay Tottenham goolka United ku toogteen kubbado badan, balse waxa sida shabeelka ugu booday mid kasta David de Gea, laakiin kaliya gacan muu adeegsanayn xalay, wuxuuse kubbadaha ugu badan ku qabtay lugtiisa bidix iyo ta midigba, isaga oo u ciyaaray qaab difaac oo kale ah.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ee la guddoonsiinayey abaal-marinta xiddiga garoonka, ayaa waxa uu De Gea sheegay lix kalmadood oo si toos ah u taabtay quluubta taageereyaasha Manchester United oo markii horeba isku raacay inuu yahay halyey ay tahay in wax kasta loo huro.

"Waa tan Manchester United-ta dhabta ah.” Ayuu si kooban u yidhi De Gea oo saddexda dhibcood sababtiisa darteed ay ku heshay kooxdiisu.

 

Markii ay ciyaartu dhamaatay, David de Gea ayaa qabsaday baraha bulshada, waxaana uu noqday ciyaartoygii loogu hadal haynta badnaa intii garoonka ku jirtay ee inta ugu badan magaciisa lagu qoray barta bulshada.

Jamaahiirta United ayaa iyaga oo bandhiggiisa kaga falcelinaya barta Twitterka waxay ka codsadeen maamulka kooxda in la siiyo wax kasta oo uu u baahan yahay si uu kooxda muddo dheer usii joogo, isla markaana wararka ku xidhiidhinaya kooxaha kale ay meesha uga baxaan.

"Hala siiyo wax kasta oo uu doonayo” Sidaa waxa barta Twitterka kusoo qoray Donte, waxaana kasii daba qaatay Tapi oo isaguna soo qoray: "Wiilkan hal milyan hala siiyo toddobaadkii. Waa iga dhab, ninkan hala siiyo waxa uu doonayo, waxa uu xaq u leeyahay waxa kooxdu hesho oo dhan.”