Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Sheeko-faneedka Iyo Cudurada Bulshada (Qaybtii 53aad) By: Maxamed Xoosh

0
Monday January 14, 2019 - 13:46:39 in by salman abdi
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Sheeko-faneedka Iyo Cudurada Bulshada (Qaybtii 53aad) By: Maxamed Xoosh

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Sheeko-faneedka Iyo Cudurada Bulshada (Qaybtii 53aad) By: Maxamed Xoosh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Sheeko-faneedka Iyo Cudurada Bulshada (Qaybtii 53aad) By: Maxamed Xoosh

Marka Aad Xiqiiqada Ku Dhawaatidba Ileen Lama wada Ogaan Karee Waxaa Kugu Dhacaaya Murugo Iyo Niyad Jab Badan, Waa Halka Qofka Iyo Bulshadu Ku Kala Fogaadaan Garasho Ahaan ....

 

Sheeko-faneedkii Ugu Badnayd Ee Qaarada Yurub Ka Soo Bixi Jiray Qarniyadii 17aad Ilaa Laga Soo Gaadhayay Qarnigii 20aad Bilawgiisii Waxay Si Xeerdheer Uga Sheekayn Jirtay CUDURADA BULSHADA Ka Dhasha Qoraayada Waaweyn Ee Jeclaa Waxa Ka Mid Ah Destyvosky, Victor Hugo, Dickens, Moliere, Henrick Ibsen, Leo Tolosty,Goethe..

 

Bulshada Soomaalidu Waxay Ka Timid Miyi Ilaa Magaalo Waa Booditaan Weyn Iyadoon Lahayn Dhaqan Isdhexgal, Wada Noolaansho, Naxariis Bulshada Dhexdeeda Ah, Dan Guud oo Laga Shaqeeyo, Wadaag Dawladnimo, Ileen Qiyamka "Values” Qofku Sito Ayaa Lagu Meel Maraa !!!

 

Sheekadan Waxay Ku Dhacday Muwaadin Hantiile Ah Oo Dalka Degan Wuxuu Ilaahay Qadaray In Gabadh Oo Dhalay Ay Shil Baabuur Gashay Dabadeed La Xidho Wuxuu Soo Arkay Nolosha Maxaabiistu Ku Noolyihiin Iyo Sida Loola Dhaqmo Iyo Daryeel La,aanta Haysata Bilayska Iyo Maxbuuska Muu Seexan 5 Habeen Oo Cuqaashu Heshiinaysay Gabadhiisuna Xidhnayd "Dhaqan Ayaa Ka Heshiiyay”

 

Ninkii Wuxuu Damcay Inuu Ku Tabaruco Makhsino Badan In Loo Dhiso Dumarka Iyo Qalabaytoodii Dabadeed Nin Indheer Garad Ah Oo Aanu Saaxiib Nahay Ayaa Ku Yidhi Dawladu Uma Baahna In Wax Loo Dhiso Waxay Kaaga Baahan Tahay Inaad CASHUURAHA KUGU WAAJIBAY SI FIICAN U BIXISID Si Loogu Helo Daryeel Askariga Iyo Maxbuuska iyo Jeelashaba Adna Ubadkaagu Helaan Hadii Ay Dhacdo Jeel Ixtiraama Xaquuqdooda Qofnimo

Muwaadin Dhibta Iyo Dulmiga Is Huursan Ee Dhexyaal Bulshada Casriga Ah Lama Koobi Karo , Qofku Wuxuu Dareemaa Dhibta Keligii Soo Gaadha Balse Ma Leh Shucuur Ku Garan Karo Ta Haysata Dadka Oo Dhan

Waxaa Iigu Yaab Badan Marka Qof Laamaha Bilaysku Xidhatay La Yidhaa Xukuumada Ayaa Xidhay Jahli Ayaa Halkaa Ka Muuqda !!!

 

Bulshadu Ilaa Ay Iibsato Cilmiga Lagu Baran Lahaa Dawlanimada Sida Heesahaba Loo Iibsado Oo Kale Weligeed Ilbixi Mayso Sharcina Sarayn Maayo.