XOG: Liverpool Oo Astaan Champions Muujisay, Chelsea Oo Khasaare Isku Riday, Wacdarihii Man United Oo Sii Socda, Gunners Oo Madaxa Sare U Qaaday Iyo Rekoodhadii Laga Diwaan Galiyay Kulamadii 23-Aad.

0
Sunday January 20, 2019 - 12:12:54 in by salman abdi
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Liverpool Oo Astaan Champions Muujisay, Chelsea Oo Khasaare Isku Riday, Wacdarihii Man United Oo Sii Socda, Gunners Oo Madaxa Sare U Qaaday Iyo Rekoodhadii Laga Diwaan Galiyay Kulamadii 23-Aad.

    XOG: Liverpool Oo Astaan Champions Muujisay, Chelsea Oo Khasaare Isku Riday, Wacdarihii Man United Oo Sii Socda, Gunners Oo Madaxa Sare U Qaaday Iyo Rekoodhadii Laga Diwaan Galiyay Kulamadii 23-Aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XOG: Liverpool Oo Astaan Champions Muujisay, Chelsea Oo Khasaare Isku Riday, Wacdarihii Man United Oo Sii Socda, Gunners Oo Madaxa Sare U Qaaday Iyo Rekoodhadii Laga Diwaan Galiyay Kulamadii 23-Aad.

Manchester United waxay ku soo laabtay heerkii cajiibka ahaa ee looga bartay waxayna hadda dhaqan ka dhigatay guulo xidhiidh ah iyo in ay kulan kastaba urursato saddexda dhibcood iyada oo Pogba iyo Rashford ay guushii kulankii Brighton ka caawiyeen Man United. Halkan kag bogo xaqiiqooyinkii Man United iyo Brighton.

Tababare Ole GunnarSolskjaer ayaa lagu qoray taariikhda Manchester United kadib markii uu noqday macalinkii abid ugu horeeyay ee u guulaystay lixdiisii kulan ee horyaalka Premier leauge ugu horeeyay.

 

Solskjaer ayaa sidoo kale noqday tababarihii lixaad oo kaliya ee Premier League ee soo guulaystay lixdiisii kulan ee premier league ugu horeeyay waxaana ka horeeya Carlo Ancelotti oo Chelsea soo maamulay iyo Pep Guardiola oo Man City la soo gaadhay.

Man United ayaa rekoodhayaasha ugu badan oo 7 ah ku guulaysatay halka Brighton ay noqotay kooxda ugu badan ee rekoodhayaasha ugu tirada badan oo 7 ah lagu dhigay kulamada Premier league ee xili ciyaareedkan.

Pual Pogba ayaa gool ka dhaliyay kulankii Brighton wuxuuna ahaa goolkiisii 8 aad ee xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier league wuxuuna barbareeyay rekoodhkiisii abid ugu gool dhalinta fiicnaa ee 2014/15 oo uu Juventus 8 gool u soo dhaliyay iyo xili ciyaareedkii 2015/16 inkasta oo 23 kulan oo kaliya wali la ciyaaray.