Maurizio Sarri Wuu Ogyahay In La Caydhin Doono 18-ka Bilood Ee Soo Socda – Gary Neville Oo Sheegay In Ciyaartoda Chelsea Ay Sarri Albaabka Stamford Bridge Ka Saari Doonaan.

0
Monday January 21, 2019 - 17:27:43 in by salman abdi
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maurizio Sarri Wuu Ogyahay In La Caydhin Doono 18-ka Bilood Ee Soo Socda – Gary Neville Oo Sheegay In Ciyaartoda Chelsea Ay Sarri Albaabka Stamford Bridge Ka Saari Doonaan.

    Maurizio Sarri Wuu Ogyahay In La Caydhin Doono 18-ka Bilood Ee Soo Socda – Gary Neville Oo Sheegay In Ciyaartoda Chelsea Ay Sarri Albaabka Stamford Bridge Ka Saari Doonaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maurizio Sarri Wuu Ogyahay In La Caydhin Doono 18-ka Bilood Ee Soo Socda – Gary Neville Oo Sheegay In Ciyaartoda Chelsea Ay Sarri Albaabka Stamford Bridge Ka Saari Doonaan.
 

Daafacii hore ee kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa daaha ka qaaday in tababaraha Chelsea ee Maurizio Sarri shaqada laga caydhin doono bilaha soo socda isla markaana ay taasi keeni karaan ciyaartoyda kooxda.

Tababaraha ree Talyaani ayaa cadaadis soo kordhaya dushiisa saaran yahay kaddib guuldarradii kasoo gaadhay Arsenal toddobaadkan iyaga oo markale halis geliyay booskooda afarta kaalmood ee sarre.

Neville ayay durtaba u muuqataa in Sarri uu yeeshay calaamadahii tababarayashii ka horreeyay ku hoggaamiyay in laga caydhiyo shaqada kooxda.

Kaddib markii Sarri uu eedeyn xad dhaaf ah usoo jeediyay xiddigaha kooxdiisa kulankii Arsenal, Halyeey Neville ayaa aaminsan in qolka labiska iyo ciyaartoyda kooxdu ay soo gaabin karaa mudo xileedkiisa kooxda.

"Sarri wuu ogyahay in la caydhin doono wakhti kamid ah 18-ka bilood amaba labada sano ee soo socda, Taasi waa mid lama huraan ka ah Chelsea” Ayuu yidhi Neviile oo qaadanaya doorkiisa shaqo ee Sky Sports.

"Waxa laga yaabaa inuu ka hadlo sida uu u arko lixdiisa bilood ee ugu horreeya marka uu waxyar oo awood maamul ah helo, Waa qolka labiska midka marna daari kara marna damin kara, Sidaasi waxa ay ahayd mid la awoodo (Ay ciyaartoydu awoodaan) sanado”

"Waxa laga yaabaa in Sarri uu u malaynayo inuu yahay nin khibrad leh, Inuu sidan oo kale soo arkay oo uusan u baahnayn inuu wax weyn moodo”

"Waa inaan si caadi ah u sheego in aanan markasta odhan doono maaha wax xaq ah inaad ciyaartoydaada ku qayliso, Laakiin waxaan arkaynaa inbadan oo sidaasi dhacaysa, Shaki kuma jiro inay sidaasi dhici doonto shanta sano ama tobbanka sano ee xiga”

Ugu dambayn, Labadii tababare ee Maurizio shaqada uga horreeyay oo ahaa Jose Mourinho iyo Antonio Conte ayaa arkayay qolka labiska Blues oo iyaga kasoo hor jeeda waxaana ay si deg deg ah u wayeen shaqadooda