Barcelona Oo Warbixin Caafimaad Kasoo Saartay Dhaawacii Xalay Soo Gaadhay Ousmane Dembele, Mudada Uu Maqnaanayo & Kulamada Uu Seegi Doono.

0
Monday January 21, 2019 - 17:42:57 in by salman abdi
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Warbixin Caafimaad Kasoo Saartay Dhaawacii Xalay Soo Gaadhay Ousmane Dembele, Mudada Uu Maqnaanayo & Kulamada Uu Seegi Doono.

    Barcelona Oo Warbixin Caafimaad Kasoo Saartay Dhaawacii Xalay Soo Gaadhay Ousmane Dembele, Mudada Uu Maqnaanayo & Kulamada Uu Seegi Doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona Oo Warbixin Caafimaad Kasoo Saartay Dhaawacii Xalay Soo Gaadhay Ousmane Dembele, Mudada Uu Maqnaanayo & Kulamada Uu Seegi Doono.
 

Kooxda Barcelona ayaa warbixin caafimaad kasoo saartay xaalada dhaawacii xalay soo gaadhay xiddiga kooxdeeda ee Ousmane Dembele oo dhaawac uga baxay kulankii ay guusha 3-1 ka ah ka heleen kooxda Leganes.

Dembele ayaa horraantii xilli ciyaareedka isku dhaceen tababare Ernesto Valverde iyaga oo isku qabtay arrimo dhinaca anshaxa ah waxaana sidoo kale jirtay in marar badan lala xidhiidhiyay bixitaan kaddib dhaawacyo hadheeyay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda.

Laakiin haatan, Xiddiga ree France ayaa kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan Barca isaga oo booska kala baxay Philippe Coutinho isla markaana caddaynaya sababta ay Barca 135 Milyan uga soo bixisay.

Barcelona ayaa shaacisay in dhaawaca Ousmane uu yahay mid canqawga ah isla markaana la filayo inuu kooxda ka maqnaan doono ku dhawaad 15 maalmood.

Warbixinta Blaugrana ayaa odhanaysa "Tijaabooyin la mariyay xiddiga kooxda koowaad ee Ousmane Dembele ayaa cadeeyay murqacasho canqawga ah kaas oo ka dhigi doona mid maqan ku dhawaad 15 maalmood”

Sidaa darteed, Dembele ayaa la filayaa inuu maqnaado labada kulan ee ay Barcelona la yeelan doonto Sevilla ee ka tirsan wareega siddeed dhammaadka ee Copa Del Rey si lamid ah kulamada La Liga ee Girona iyo Valencia.

21 jirkan ayaa lagu rajo weyn yahay inuu kasoo muuqdo kulamada wareega Champions League oo ay Barcelona wareega 16-ka kooxood kula balansan tahay kooxda ree France ee Lyon