Jamaahiirta Manchester United Oo Cod U Qaaday Alexis Sanchez iyo Anthony Martial Midka Ciyaari Doona Kulanka Arsenal

0
Monday January 21, 2019 - 17:51:07 in by salman abdi
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaahiirta Manchester United Oo Cod U Qaaday Alexis Sanchez iyo Anthony Martial Midka Ciyaari Doona Kulanka Arsenal

    Jamaahiirta Manchester United Oo Cod U Qaaday Alexis Sanchez iyo Anthony Martial Midka Ciyaari Doona Kulanka Arsenal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaahiirta Manchester United Oo Cod U Qaaday Alexis Sanchez iyo Anthony Martial Midka Ciyaari Doona Kulanka Arsenal

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa u gudbiyey tababarahooda Ole Gunnar Solskjaer farriin ay ugu sheegayaan qaabka ay doonayaan inuu usoo safo xiddigaha kooxdiisa, gaar ahaan sida uu u kala dooranayo Alexis Sanchez iyo Anthony Martial.

Jamaahiirta Man United ayaa ka shakisan in tababaruhu uu qaadan doono go’aan ah inuu safka koowaad ka tuuro xiddiga reer France ee Anthony Martial oo uu ka door bidi doono Sanchez oo kasoo laabtay dhaawac uu muddo ku maqnaa.

 

Solskjaer ayaa guushii Sabtidii ee Brighton kaddib bixiyey ishaaro ah inuu Sanchez kulankiisii labaad kusoo bilaabi doono garoonka ciyaarta Jimcaha ay garoonka Emirates ugu tegayaan Arsenal, taas oo uu tilmaamay inuu si buuxda ugu diyaarsan yahay.

"Waxa suurtogal ah inuu kooxda ku jiri doono kulanka FA Cup-ka” Ayuu yidhi Solskjaer, waxaanay taasi ka dhigan tahay inuu meesha ka bixi doono Sanchez oo qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay xili ciyaareedkan, gaar ahaan intii uu shaqada ka tegay Jose Mourinho.

Haddaba, hadalkan ayaa waxa uu dhaliyey walaac ka yimid taageereyaasha kooxda, kuwaas oo afti laga qaaday ku caddeeyey midka ay doonayaan inuu ciyaarsiiyo kulanka Arsenal.

3,784 qof oo taageereyaasha Manchester United ah ayaa afti laga qaaday waxay intooda badan isku raaceen inay doonayaan in Martial uu ciyaaro oo uu kaydka fadhiyo.

42% dadka codka dhiibtay waxay u codeeyeen in tababaruhu uu ciyaarsiiyo Martial, halka 27% ay isku raaceen inay wada ciyaaraan, laakiin31% ayaa waxay u codeeyeen in Sanchez uu ciyaaro oo uu kaydka galo Martial.