Hargaysa;-Abwaan Faarax Murtiile Oo Suugaan Kaga Dareen Ceeliyay Dhaliilihii Ay Reer Somaliland U Jeediyeen -

0
Monday February 04, 2019 - 16:35:20 in by salman abdi
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa;-Abwaan Faarax Murtiile Oo Suugaan Kaga Dareen Ceeliyay Dhaliilihii Ay Reer Somaliland U Jeediyeen -

    Abwaan Faarax Murtiile Oo Suugaan Kaga Dareen Ceeliyay Dhaliilihii Ay Reer Somaliland U Jeediyeen -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Faarax Murtiile Oo Suugaan Kaga Dareen Ceeliyay Dhaliilihii Ay Reer Somaliland U Jeediyeen -

Abwaan Faarax Murtiile oo ka mid ah hal abuurada reer somaliland ee ku nool qurbaha ayaa qaab suugaan ah kaga jawaabay dhaliilo loogu jeediyey ka qayb galkii xafladii caleemo saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland iyo hadalo uu ka jeediyey.


Kuwa QaylinayeeAbwaan Faarax Murtiile oo dad badani ay ku eedeeyeen inuu ka horyimid qaranimada somaliland ayaa dhaliilihii loo jeediyey kaga soo jawaabay maanso uu tiriyey oo u dhignayd sidan:-

Qabta Faarax lahoow

Qalad ba fahanteene

Qarankay waxma yeelin

Qofkastoo is bidaaya

Anigaa Qarankayga

Uga sii Qotadheeroo

Somaliland Qarankayga.

Inay Qoon- yarigaadho

Qudhaydaan ogolaynoo

Qoorgooyaan ka xigye.

 

Anigaa Qarankayga

Qodax saydha ka dhawra .

Anigaa Qarankayga

Qilaafkiisa daweeya.

Somaliland Qalbigayga

Waa Quluubtiyo maanka

Hooyadaydii i Qaadiyo

Qaaydkii laygu xanbarshayoo

Inaay Qoon yari gaadho

Qundhaydaan ogolayne

Qajilaan idin leeyahay.

Qudbadayduna maaha

Midaan Qoomay hankooda

Waa midaan Qarankayga

Ugu qiil daydayaayaye

Kuwa Qaaqda guraaye

Qabta Faarax lahoow

ilmada,aad Qubaysaana

Wayska Qiiro jabaane

Qajilaan idinleeyahay

Qaran kayguna maaha

Qof midaad ku dirtaanoo

intuu Qaata warkiina

Durba soo Qabanaye.

Qaynuun baa dalka
yaalle

Qajilaan idinleeyay.

Abwaan :Afraax Murtiile