DEG-DEG: Barcelona vs Man United vs Ajax vs Juventus – Isku Aadka Quarter Final-ka & Semi Final-ka Champions League Oo La Sameeyay.

0
Friday March 15, 2019 - 15:04:29 in by salman abdi
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG-DEG: Barcelona vs Man United vs Ajax vs Juventus – Isku Aadka Quarter Final-ka & Semi Final-ka Champions League Oo La Sameeyay.

    DEG-DEG: Barcelona vs Man United vs Ajax vs Juventus – Isku Aadka Quarter Final-ka & Semi Final-ka Champions League Oo La Sameeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DEG-DEG: Barcelona vs Man United vs Ajax vs Juventus – Isku Aadka Quarter Final-ka & Semi Final-ka Champions League Oo La Sameeyay.
 

Waxaa la sameeyay isku aadka koobka Champions League wareegiisa quarter final-ka oo lagu sii lamaaniyay isku aadka Semi Final-ka, waxaana ka dhacay kulamo xiiso badan oo aan caadi aheyn iyadoo la sugayo kuwa kale oo gadaal ka dhici doona.

Waxaa dib loo xasuusan doonaa final-kii Champions League 1996 markaas oo ay Juventus si rigoroe ah kaga xoogtay koobka kooxda Ajax, 23-sano kadib ayeyna isku arki doonaan quarter final-ka tartanka.

Barcelona waxey la ciyaari doontaa Man United oo ay laba jeer ka qaadeen final-ka koobka UEFA Champions League – 2009 iyo 2011, balse Red Devils waxey hal jeer ka reebeen tartanka Balaugrana marka laga hadlo kan ay ka guul gaareen waana 2008 oo ay qaadeen.

Laba kooxood oo Ingiriis ah ayaa isku beegmay waana kooxaha Man City vs Tottenham oo aan taariikh sidaas u weyn ku laheyn tartankaan, halka Liverpool ay ku beegmeen kooxda Porto.

Pep Guardiola ayaa semi final-ka ku wajahi kara kooxda lala xiriiriyay inuu afar sano heshiis ah u saxiixay Juventus, waase hadii ay soo wada gudbaan, halka Salah iyo Messi ay is wajahi karaan hadii ay soo wada baxaan.

ISKU AADKA QUARTER FINAL-KA OO DHAMEYSTIRAN:

Ajax vs Juventus

Liverpool vs Porto.

Tottenham Hotspur vs Manchester City

Barcelona vs Man United

ISKU AADKA SEMI FINAL-KA:

Ajax vs Juventus kooxdii soo baxda waxey ku beegmi doontaa kooxdii kasoo baxda kulanka weyn ee Manchester City vs Tottenham Hotspur.

Barcelona vs Man United kooxdii soo baxda waxey ku beegmi doontaa kooxdii kasoo gudubtay kulanka Liverpool vs Porto.

GOORMA AYAA LA CIYAARI DOONAA KULAMADA?

9/10 April: Quarter-finals, lugta koowaad

16/17 April: Quarter-finals, lugta labaad

30 April/1 May: Semi-finals, lugta koowaad

7/8 May: Semi-finals, lugta labaad

Saturday 1 June: Final– Estadio Metropolitano, Madrid

F.G: Dhamaan kulamada waxaa la ciyaari doonaa 11:00 habeenimo (XGA), hadii aysan UEFA dib u badalin waqtiga.