Diiwaangalinta Madaniga Ahi, Waa Dhamaystirka Geedi Socodka Somaliland
Dalku wuxuu soo maray marxalado badan oo kala gedisan wuxuuna u soo gudbay marxalad somaliiland ay u suurto gashay inay samaysato
astaan muujnaysa qaranimada Somaliland, taasoo muwaadiniinta Somaliland siinaysa fursad ay ku cadeeyaan oo ayku sugaan muwaadinnimadooda.
Waxay diiwaan galintu markhaati ka tahay dal la yidhaahdo Somaliland iyo dadkiisa waxaanay meesha ka saaraysaa shuubihaat (waxaan u jeednaa waxay dawladaha dariskaa iyo dawladaha caalamka nahay u cadaynaysaa muwaadinnimda sugan ee soomaliland).
Diiwaangalintu waa dhamaystirka rukumada aasaasiga ah ee muujinaaya gooni isu taagii somalialnd 18 may 1991, markaa waxa xil ka saran yahay qof kasta oo muwaain ah inuu ka ilaaliyo saddexda fiiqan hirgalinta diiwaan galinta saddexdaasoo kala ah ( isha, farta iyo carabka) taa macnaheedu waxay tahay diiwaan galinta cid gaari ma laha waa hanta ka dhexaysa Somaliland oo dhan waa xaq loo siman yahay min madaxwayne ilaa muwaadinka caadiga ah sidaasoo kale wuxuu xil muqadasi ka saran yahay xisbiyada qaranka mucaarid iyo muxaafidba iyo waliba dhaamaan bulshada rayidkaa, madaxdhaqameedka, dhaamaan wasaaraadka xukuumada iyo dhamaan ururada mihnadaha ah, si kale hadii aynu u nidhaahno waa waajib qaran oo laga fulintiisa cidkasta.
Diiwaan galintu wuxuu xil ka saran yahay qofkasta oo gaadha xiliga uu xaqa u leeyahay inuu qaato waxa kale oo uu xil ka saran yahay waalidiinta inay xaqiijiyaan in la qaatay kaadhka aqoonsiga, waxa kale oo laga sugaya dhamaan maamulada gobol ilaa degmo oo ay tahay gobolkastaaba inuu xaqiijiyo inuu dadkiisu qaatay, waxa kale oo meesha soo gali karta tartanka la isku abaal mariyo min tuulo ilaa qaran taasoo tirada dadka aqoonsiga qaatay ay wax wayn ka tarayso saami qaybsiga mashaariicda horumarinta iyo kuraasta golayaasha qaranka, taas macnaheedu waxa weeyi ninkii seexdaa ayaa siciisu dibi dhali doonaa.
Diiwaan galinta waxa xil ka saran yahay dhamaan qorayaasha sida warbaahinta iyo website yada. Tv ayda inay fuliyaan barnaamijka ay soo diyaarin doonto wasaarada arimaha gudaha iyo wasaarada warfaafinta.
Waxaan ku talinayaa in wargaysyada laga siiyo bog ololada wacyigalinta diiwaan galinta tv yaduna ay siiyaan ugu yaraan 15 daqiiqo oo u khaas ah wacyi galinta diiwaangalinta, taasoo wax wayn ka tari doonta wacyigalinta, website yadu ay ku soo qaataan bogag gaar ah si talaabo wada jira loo qaado.
Diiwaangalinta Madaniga Ahi, Waa Dhamaystirka Geedi Socodka Somaliland
Dalku wuxuu soo maray marxalado badan oo kala gedisan wuxuuna u soo gudbay marxalad somaliiland ay u suurto gashay inay samaysato