Hargaysa:Dawladda Imaaraadku Waxa Ay Booqashadii Madaxwayne Biixi Ku Beddeleen Booqasho Gaara Ah Oo Ka Derajo Hoosaysa..…" Axmed Safiina

0
Thursday March 21, 2019 - 08:55:02 in by salman abdi
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Dawladda Imaaraadku Waxa Ay Booqashadii Madaxwayne Biixi Ku Beddeleen Booqasho Gaara Ah Oo Ka Derajo Hoosaysa..…" Axmed Safiina

    Hargaysa:Dawladda Imaaraadku Waxa Ay Booqashadii Madaxwayne Biixi Ku Beddeleen Booqasho Gaara Ah Oo Ka Derajo Hoosaysa..…" Axmed Safiina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:Dawladda Imaaraadku Waxa Ay Booqashadii Madaxwayne Biixi Ku Beddeleen Booqasho Gaara Ah Oo Ka Derajo Hoosaysa..…" Axmed Safiina

Booqashadii Madaxwayne Biixi ku tegay dalka Imaaraadka Carabta waxa ay ahayd booqasho rasmi ah waa siday madaxtooyadu inoo sheegtay, laakiin dawladda Imaaraadku waxa ay u beddeleen booqasho gaara [private visit] oo ka derajo hoosaysa ta rasmiga ah, waa maxay qaladka uu madaxwayne Biixi ama madatooyadu gashay? Maqaalkan kooban ayaan ku faahfaahin doonaa;

Booqashooyinka uu Madaxwayne dal uu ku tago waxa ay u qeybsamaan saddex nooc oo kala ah;

1- BOOQASHO DAL
2- BOOQASHO RASMI AH iyo
3- BOOQASHO GAARA ah.

  1. BOOQASHO DAL: waa ta ugu sarreysa ee Madaxwayne dal ku tago, inta uu madawaynehaasu xilka madaxwayne-nimo hayo waxa loo sameeyaa hal mar oo kaliya, sababta loogu bixiyey booqasho dal waa madaxwayne u marti ah dalka oo dhan maaha madaxwayne u marti ah madaxwayne kale ama madaxwayne u marti ah xukuumada ee waa madaxwayne u marti ah noocyada kala duwan ee dalka oo dhan.

Waxa ayna ka bilaabantaa Madaxwayne ama Boqor casuuma Madaxwayne dal kale ama Boqor dal kale, warqadda casuumadda waxaa soo qaadaya wasiirka arimaha dibeda iyo wafti la socda oo madaxwaynaha dalka la casuumay gacanta ka galiya.

Madaxwaynaha la casuumay waa in uu ku soo jawaabaa muddo isbuuc ah warqada jawaabta ee ogolaanshaha casuumadda, waxa uu u soo dhiibaayaa wasiirkiisa arimaha dibeda oo gacanta ka gelin doona madaxwaynihii casuumada fidiyay, hadii uu isbuuc ku soo jawaabiwaayo micna heedo waa diidmo booqasho.

Intaa kadib booqashadaa waxaa la diyaarinayaa muddo bil ah waraaqaha lays-weydaar sanayaa waxaa kala qaadaya safiirada labada dal su’aalaha u badan ee lays weydiinayo waxa ay u badan yihiin.

  1. Booqashadu wakhtigay bilaab maysaa iyo wakhtigay dhammaanayso ugu yaraan saddex cisho ugu badnaa shan iyo toban cisho.
  2. Waftiga madaxwaynaha imisa qof ayaa la socda? ugu yaraan 25 qof ugu badnaan 250 qof.
  3. Waftiga masuuliyiinta la socdaa maxay kala yihiin? a) FAKHAAMA oo ah madaxwayne ama madaxwayne hore ama murashax madaxwayne.
    b) MACAALII oo ah wasiir ama wasiir hore ama Muftiga dalka. t) SACAADA oo ah safiir ama safiir hore, la taliye madaxwayne, iyo Agaasime guud
    j) SAYID oo ah mas’uuliyiinta kale ee waftiga la socota. Mid walba waxa la siinayaa sooryo u qalanta xilkiisaa.
  4. Cuntada uu madaxwaynuhu jecelyahay ama uu cuno waxa ay soo qorayaan liis ugu yaraan 20 nooc ugu badnaa 40 nooc. Maalinta uu madaxwaynuhu soo degayo waxaa la fasaxaa dhammaan shaqaalaha dawlada dugsiyada dhexe iyo sare ee caasimadda iyaga oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta, Dugsiyada hoose iyo jaamacaduhu kuma jiraan fasaxa.

Marka uu soo dego waa in loo dhigaa roog cas oo gaadhaya 50mitir, waa in madaxwaynuha wax casuumay diyaarada hoosteeda soo is taagaa waa in loo ridaa 21 madfac oo dabaal deg ah, ( haduu raysal wasaare yahayna waa 19 madfac), waa in lagu dejiyaa qasriga madaxtooyada ama qasri kale hotel waa mamnuuc, waa in lagu qaadaa gawaadhi madmadoow, midabka cadaankuna waa mamnuuc, laba dal ayaa xidhiidhka ku kala qaatay gaadhi cad oo laysku qaaday la soco dhaqanka dawliga ahi gaadhiga cad caruusadaha ayaa lagu qaadaa.

Waa in la geeyaa goobo kala duwan ugu yaraan 7 ilaa 15 goobood oo Barlamaanka dalkuna ka mid yahay, waxaa khasab ah in uu madaxweynuha dalka soo booqday wato marwadiisa, lacala haduu madaxwaynuhu ka soo tago marwadiisa micneheedu waa in madaxwaynuhu guurdoon yahay doonayana inuu dalka la xidido, Madaxwaynahaa la soo booqday waa inuu marwadiisa faraa in ay dalka qalanjo uga soo xusho madawaynahan guur doonka ah, ama waa in madaxwaynuhu cudur daar hore loo sii sheegaa tusaale :- marwadi waa fool ama waa xaamilo safarku dhibayo iyo wax lamid ah.

  1. BOOQASHO RASMI AH = Waa booqasho shaqo waxa ay in yar ka derajo hoosaysaa BOOQASHO DAL oo aynu kor ku soo xusnay waraqadaheeda waxa kala qaadaya safiiro, waa in ay jiraan heshiisyo ama isfahno laka saxeexanayaa.

Rooga cas ee madaxwaynaha loo dhigayaa waa 25 mitir mudada uu joogayaa waa 3 cisho ilaa 5 cisho waftigu wuxuu ka koobnaan doonaa 10 ilaa 15 mas’uul sida oo kale qasriga madxtooyada ayaa lagu dejinayaa ama qasri kale hotel waa mamnuuc.

Waa inuu la socdaa WASIIRKA ARIMAHA DIBEDA, WASIIRKA QORSHAYNTA, WASIIRKA MAALIYADA, haddii wasiiradaa la waayo waa in ku xigeena doodu la socdaan, waa inay jiraan heshiisyo isfahan ah ama heshiisyo rasmi ah oo la kala saxeexanayo.

Haddii intaa laga tego booqashadu maaha BOOQASHO RASMI AH ee waa booqasho gaar ah, waana tii Madaxwayne Biixi ku dhacday ee booqashadiisii hoos loogu dhigay, dhammaan saddexdaa wasaaradood cidi kala may socon wax la kala saxeexanayayna may jirin, warar ka rasmiga ah ee isoo gaadhay ayaa ah in madaxwaynaha uu la kulmay Agaasime ku xigeenka xafiiska samafalka sheekh Zaaid ee joogay Hargeysa maalintii la dhagax dhigayay wadada Berbera waxaana la geeyay xarumo milatari iyo daawasho agab ciidan oo uu madaxwayne Muuse dalbaday.

Sidoo kale waxa dhici karta in aanay madaxtooyadu kala garanayn booqashooyinka iyo booqashada uu madaxwaynuhu u socdo iyadoo ah BOOQASHO GAARA ay ina yidhaah deen waa BOOQASHO RASMI AH.

  1. BOOQASHO GAAR AH = waa ta u hoosaysa waana Madaxwaynaha oo ka qayb galay TACSI, AROOS, FARXAD DAL, ama utaga dal , LAKULAN SHIRKAD, ama NASASHO, DALXIIS, CAAFIMAAD, FASAX U GAAR AH, iyo kuwo kale oo la mid ah. Roogga cas ee loo dhigayaa waxa uu noqonayaa 10mitir. Booqashadan waxaa la dejin karaa Hotel ama qasri kolba kii ay u doorto safaaradiisu iyo waftigii hordhaca ee qaban qaabada safarka madaxwaynaha.

Maqaalkan waxa aan diyaariyay 14/3/2019 waa maalintii uu madaxwaynhu ka soo noqday Imaaraadka waxa aan dib ugu dhigay anoo kala duwaya sixitaanka iyo dhalinyaradii jibaysnayd waxaan filayaa in hada ay jibadi dagtay oo laysa sixi karo.

Barta Hab maamuuska la isu qaabilo.

Alaa mahad leh. Amb Ahmed Safiina