Isma Oga Gardiid Iyo Ka Wax-Yeello Gaadhay( Abdi-Shotaly )!

0
Saturday March 23, 2019 - 13:12:26 in by salman abdi
  • Visits: 2157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isma Oga Gardiid Iyo Ka Wax-Yeello Gaadhay( Abdi-Shotaly )!

    Isma Oga Gardiid Iyo Ka Wax-Yeello Gaadhay( Abdi-Shotaly )!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isma Oga Gardiid Iyo Ka Wax-Yeello Gaadhay( Abdi-Shotaly )!
Been iyo munaafaqa, hoosta daxal jiifo, ah qudhun iyo qabyaalad, kala sooc, iska hor-keenid, ku muraadso ku muradso iyo ka faraq qabso

mooyee aanay wax kale haynin. kuna kala eriday dalkii iyo dadkii uu kaga tegay Mudane Daahir Riyaale. Eel iyo urgumo u gaar ah labadda askari, ee maamula Somaliland ka dhigay, Markii hore wuxu ahaa dal buuxa, imika-se waad aragtaan hadaan indhaha la iska tuurayne, in askartan dhex batalaq-sanaysaa, ay canda-dawleen, ka Meesha doobta ka ridayaana waa rabbi khalaq wa dalqa ( laguma dhaamee dhaqaaq), aan geeriddii nebiga ogayn, siduu ku yimina waan garanaynaa, oo taas caad idin-kama saarna, kan ay ugu yeedhaan Ina Kaahina oo ah geenyo shaaximan, oo uu iska fuushan yahay, ilaa iyo qaaxa, wakhtiggii dagaalkii marya-aolool iyo hadadan aynu joogno-ba, waa darmaantaa uu iska wato, isagu mab'da ma laha, waxase lagu heshiis yahay, colaadda beelo gaar ah, uma sheegi karo waa khalad waxaasi. hadaba laba-boglayn iyo isku qurxin, kolba shaadh-la soo gashadda, mar way suuri geli in wax lagu khaldo, ama ay u marto, laakiin sidda ay la tahay maskaxdda-labadda askari iyo biidhi-qaatayaasha hoos yimaadda ee ay ku adeegtaan, mid meel gaadhaysa ama sii waari doonta maaha, waad ka wadda dheregsan tihiin in uu takhlan yahay dalkii oo gebi ahaanba tigtigan yahay, meel walba ay labadda askari inaga soo oodeen, mana jirto rajo ka muuqataa iyo aayo danbe oo aan ka sugnaa. aduunyooy xaalkaa-be, ma arbacaddii baa raggii ugu dambeeyey la xidhay ee SNM u soo halgamay ( Waa Muj Cali Rooble Bulaale'e), Taliyihii Qaybta lixaad ee SNM, oo imikana Gaashaanle sare oo Hogaanka Ciidanka ahaa, iyadda oo wax loogu soo marmar-sooday jirin, saw micnuhu-maaha beelo gaar ah, oo laga safaynaayo maamulka? Horaa loo yidhi " isma oga gar-diid iyo Ka wax-yeelo gaadhaye" waa lama huraan in ay tani dagaal xadh-kaha goostay ku dambayn doonto.

 


 

 

" Masku Oogadda Waa Ka Xariir Asal ah" markuu halkaa hortiina uu maraayo, waa daadax, nadiif baad moodaa, quruxdana waad yaabaysaa, laakiin waabaydu ama urgumadu micidda bay ugu aasan-tahay, oo marka uu kula helo qaniinyadda, kugu sii daayo waabaydda, ee uu kaa farsamo ama il roonaado aabahaa dhimay, waana sidda aynu nahay imika. hadaba wax kastaa waxay leeyihiin dawo, taas oo ah in aad ka digtoonaato, in aanay mar kale siddii oo kale kuugu dhicin, wixii hore kuu soo maray iyo khiyaamoo-yinkii lagaaga faa'iidaystay, taas oo ah in aad bedesho qaabkii hore ee aad u fekerayaysay, oo aad maskaxdaadda la xisbaatanto, saxdana wixii mugdiga kaaga hoos baxay. Maah-maah baa tidhaaha " Caano Qubtay-ba Gadaal-kood La qabay" oo micnah-heedu yahay, wixii kaa xumaaday waad hagaajin kartaa, haddii aad ummad yahay mar khalad iyo humaag la idin kaga faa'iidaystay, in aad mar walba siddii la idinku dayaa, waa nacasnimo la idinka arkay idinka. goormaad tashan doon-taan, mee dalkii aad u soo dhimateen? Ee aad mood iyo nool-ba u soo hibayseen? Saw meel ka xun maydin sii gelin? Maxaad kula dagaalan-teen Af-la-haarkii Ina Bare? Sawtan noqotay ka-dar-oo-dibi dhal iyo guutoy-guuto-wareen. hadii run la sheego ma hed baa ku baxaysa? Bal hadda waxa taaganu fiirsadda, Iska xidh, isku dir, kala qaybi, in hoosta soo gasho, in beel ahaan ula colaw, iyadda oo la tir-tiray magacii somaliland, oo hadda aynu nahay Maamul goboleed, Colaad daraf-ilaa-daraf is haysata, qabyaalad daaha goosatay, oo ayw adaad alabadda asakri iyo kaba-qaadayaasha iyakii isku haysta, daynta, kolba si loo sheegaayo.

 

 

 


Wax waliba daliil iyo markhaati bay leeyihiine, bal noo sheega halka ay dagaal ka galeen? kan Meesha af-duubka ku haystaa ( ee la yidhaaho " Raggii Ma Adigaa Ka hadhay" miyaad haysaan meel uu xabad ka riday. Hargaysa Ibrahim dhega-weyne buu ahaa kii is miidaaminta gobolka ka madax ahaa, waxa ugu weyned ilayn lama dafiro'e "Saldhiga Bir-jeex" oo ahaa xarunta ugu weyn wixii la odhan jirey Qaybta 26naad, ee ciidankii Af-weyne, Hadaba ninkii naaraha ka waraabiyey, wuxu ahaa ilaah ha u naxarissto'e " Aadan-cade" ma cid baa dafirsan, waakii uu waaqlahu indhaha kaga dhacay, ee uu ku waayey Aragiisii ( Nina Arab Sheekh isaxaaqa ah buu), waa tii la keenay Magaaladan Manchester, ee aan anigu dul fadhiyey, markii indhaha loo jeexaayey. bal hadaba kan is weydiiyoo, halkee buu Hargaysa ka dagaal galay? aan kuu sheego'e, inta uu fadhiistay geed deeb-leh, buu kolba meel ku dhuumaalay-sanaayey, hadal waa run kama rayste'e, ee dirayska wuxuu u xidhnaa is-tus ee waa ina wax kama jiraan, mana hayno meel uu kob cagaar leh ka soo durduriyey. Ahmed Mire isna waakii gelgeli-maha ka shiday Gobolka togdheer ee ilaa sanaag isku kala bixiyey, Maxamed Cali, Ina Saleebaan Weyne, Harag-waafi, Haybe laambad, Ina Habane,Ina Kood-buur, Talaata-Codle, Xuseen Dheere, Ina macalin haaruun, Ibrahim layla, Xasan kayd, Lixle, Cabdiraxmaan Maxamed case, Xayd, Koosaar, xadndule, jaamac cali jaamac, Libaaxo, Xasan kayd iyo qara kaloo badan, waa la hayaa taariikh-doodda iyo wixii ay ka geysteen Halgankii SNM, waana markhaati ma doon. sidaas oo ay tahay, bal labadan askari ee is daaba-dhidiiqinayaa, halka kol ay mulac tahayna xabad ku fiiqeen ha sheegeen, xaal-koodu waxa weeye, maah-maahddii ahayd " Geeriyey Maxaad Tartaa? ee ay ku jawaabtay " Nin meel waayey baan meel u baneeyaa". waxan ku xidhay maqaalkan, waa in ay daayaan waxan nahay Mujaahidiin, waayo way ceebay-nayaan magaca, ee waa in ay ka xishoodaan sheegas-hadda wax aanay ahayn ay ku andacoonayaan.

Nin Meel waayey Baan Meel U Baneeyaa.


Qore:- Abdi-Shotaly.

ashotaly5@gmail.com