QISADII NABI IBRAAHIM ILAAHAY KU AMRAY INUU GAWRACO WIILKIISII ISMAACIIL QALINKII-AHMED SULEIMAN-LABABAALE‏

0
Thursday October 02, 2014 - 13:10:21 in by Super Admin
  • Visits: 2742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QISADII NABI IBRAAHIM ILAAHAY KU AMRAY INUU GAWRACO WIILKIISII ISMAACIIL QALINKII-AHMED SULEIMAN-LABABAALE‏

    inagoo ku jirna maalmihii ugu khayrka badnaa ciidal carafana sadex maalmood inooga hadheen waxaynu maanta soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

inagoo ku jirna maalmihii ugu khayrka badnaa ciidal carafana sadex maalmood inooga hadheen waxaynu maanta soo qaadanaynaa Qisaddii Nabi ibrahim ilaahay csw ku amray inuu gawraco wiilkiisii Ismaaciil c.s
Qisadani waa Qiso dheer. Waana qisoyinka cajiibka ah ee ilaahay kaga waramay Quraankisa ,,,, hadaba

maxaa keenay in Illaahay amro Nebi Ibraahiim inuu bireeyo ama gawraco Wiilkiisa ismaacil ?
sidayse ku timi in ilaahay hadana bedelkiisi ku bedelo wan ?
xaqiiqada Illaah baa garanaya, balse sida la sheegay Nebi Ibraahiim CS ayaa sadaqeeyey 1.000 Neef oo Adhi ah, 300 oo lo'ah iyo 100 Neef oo Geel ah, wuxuuna ku baxshay jidka Illahay, dadkii ayaa la yaabay, markaasaa Nebi Ibraahiim CS wuxuu yidhi "waxaan baxsaday agtayda waxba kama ahaa, balse Illah baan ku dhaartee haddii uu ii ahaan lahaa wiil jidka Illahay ayaan u bireyn lahaa, Illahey ayaana ugu dhawaan lahaa "markii uu sidaas yidhi Nebi Ibraahiim CS waqti badan ayaa laga joogay, kaddib Illahay ayuu weydiistay awlaad,(ilmo) Illahayna wuu ka aqbalay, waxaana loogu bishaareeyey walad, waxaana loo dhalay Nebi Ismaaciil (CS). Nebi Ismaaciil CS markuu weynaaday ee uu gaadhay dhowr sanno, ayuu Nebi Ibraahiim (CS) ku riyooday isagoo bireynaya wiilkiisa Ismaaciil CS, laguna yidhi oofi nadarkaagii (dhaartaadii hadda ka hor).Markii waagu beriyey ayuu ku fekeray tolow ma amar xag Alle ka yimid baa riyadu, mise waa shaydaan.Galabt­­ii ayuu haddana ku riyooday wuxuuna xaqiiqsaday in xagga Alle laga amray, inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil CS. Maxaa yeelay Riyada Nebiyadu waa xaq, waxayna la mid tahay iyadoo loo waxyooday. Nebi Ibraahiim (CS) wuxuu ku yidhi,
Haajara oo ahayd Nebi Ismaaciil hooyadiis "Wiilka dhar fiican u xidh meel baan tagaynaa
"hooyo Haajara Ismaaciil CS dhar fiican ayey ugu labistay Nebi Ibraahiim CS. kadib
wuxuu qaatay xadhig ama hogaan iyo mindi, waana is raaceen isaga iyo Nebi Ismaaciil (CS). Nebi Ismaaciil CS aabihiis ayuu hor socday in la biraynayana ma ogeyn isaga iyo hooyo Haajaraba.
Ibliis (shaydaan) ayaa damcay inuu ka faa'iidaysto, markaa suu Nebi Ibraahiim CS ku yidhi: "miyaadan arkayn wiilkaan baa la qali karaa?".
Nebi Ibraahiim CS wuxuu yidhi: "Illahay ayaa i amray, waana biraynayaa"
Ibliis markuu ka quustay Nebi Ibraahiim CS ayuu u tagay Hooyo Haajara wuxuu yidhi "halkaan ayaad iska fadhidaa Ibraahiimna wuxuu doonayaa inuu bireeyo wiilkaaga Ismaaciil ah".
Haajara waxay tidhi: "iga daa beenta, xaggeed ku aragtay aabbe Ilmihiisa biraynayaa?".
Ibliis wuxuu yidhi: "Saas daraadeed ayuu u qaatay xadhig iyo mindi".
Haajara waxay tidhi: "Maxaa kalifay inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil?".
Ibliis wuxuu yidhi: "Wuxuu sheeganayaa in Illahay amray".
Haajara waxay tidhi: "Koley Baadil Illahay amri maayo".
Markii Ibliis Haajara ka quustay ayuu hadana utagay wiilkii yaraa ee Nebi Ismaaciil ahaa,si uu u fidneeyo, wuxuuna yidhi:
Waad faraxsan tahay oo waad iska cayaaraysaa; Aabbahaana wuxuu kuu wataa xadhig iyo mindi,wuxuuna doonayaa inuu ku bireeyo.
Ismaaciil wuxuu yidhi: "war beenta iga daa, maxaa aabahey ii biraynayaa?".
Ibliis wuxuu yidhi:"wuxuu sheeganayaa in Illahay amray inuu ku bireeyo.
Ismaaciil CS wuxuu yidhi: "waan maqlayaa waana adeecayaa (yeelayaa) amarka Illahay".
Ibliis markuu doonay inuu hadal kale u celiyo ayaa Ismaaciil CS qaatay dhagax, wuuna ku tuuray, wuxuuna kaga dhuftay isha bidix, Ibliis waa iska tagay isagoo hoogay oo khasaaray.
Nebi Ibraahiim (CS) iyo Ismaaciil markay gaadheen meel la yidhaa muna oo u dhaw kacbada ayaa Nebi Ibraahiim CS ku yidhi Ismaaciil "wiilkaygiiyoow­­ waxaan riyo ku arkay aniga oo ku biraynayaa ee maxa ra'yigaagu yahay?".
Ismaaciil wuxuu yidhi: Aabbaheeyow samee waxa Illahay ku amrayo, waad i heli doontaa haddii Alle idmo inaan ka mid ahay dadka wanwanaagsan. Nebi Ibraahiim CS markii uu maqlay hadalkii wiilkiisa Ismaaciil, wuxuu qiray(Ogaaday)i­­n Illahay u ka ajiibay ducadiisii hadda ka hor uu Illahay ku baryay oo ahayd
:(Rabbi hablii minal salixiin)
Nebi Ibraahiim CS Illahay ayuu ku xamdiyay intaa kaddib nebi Ismaaciil CS ayaa yidhi: Aabaheeyoow waxaan kuu dardaarmayaa dhowr shay:-
Markii aad i biraynaysid iga xidh gacmaha si aanan kuu dhibin.
Wajigayga iska sii jeedi waxaa laga yaabaa inaad wajigayga ujeedo inaad iga naxdo, oo aad ii naxriisato.
Dharkaaga faydo (kor u qaado) si aan dhiiggu kuugu faniinin, hooyadayna inta kugu aragto dhiigga aysan u murugoon, anna ajarku iiga nusqaamin.
Afayso midida kuna dhaqso biraynta si ay iigu fududaato sakaraatul mowdku, maxaa yeelay mowtku waa daran yahay.
Qamiiskayga u gee hooyadey ha igu xasuusatee.
Aabbe hooyaday igu salaam, waxaadna ku tiraa ku samir amarka Illahay.
Aabbe hooyo ha u sheegin sida aad ii biraysay,xadhig­g­ii aad igu xidhay IWM.
Aabbe hooyaday: yaysan u soo galin Ilmaha anigoo kale ah way i xasuusanaysaaye­­, markaas bay murugoonaysaaye­­.
Aabbe haddii aad aragto wiil anigoo kale ah ha-eegin yaand murugoonee!
Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri: "wiilkaygiiyow waxaad iigu kaalmaysay amarkii Illahay i faray".
Nebi Ibraahiim CS wuxuu guda galay inuu legdo (dhinaciisa dhulka dhigo) wiilkiisa Ismaaciil CS si uu u bireeyo, wuuna legday, middidii ayuuna surka ama qoorta kaga gawracay intii xooggiisa, balse waa awoodii waayey inuu ku jaro middida qoorta wiilkiisa Ismaaciil CS.
Malaa'igta Illahay markii ay arkeen Ibraahiim CS oo biraynaya wiilkiisii Ismaaciil CS waxay u hoobteen Sujuud,
Illahay ayaana ku yishi eega addoonkayga sida uu ugu gawracayo (marmarinayo) middida qoorta wiilkiisa, isagoo iga raaliya (doonaya).
Ismaaciil CS wuxuu yiri: "Aabaheeyow ii sii daa gacmaha iyo lugaha oo iga fur xariga, yaan la ii malaynin in la i qasbayo, oo aan diidanahay amarka Illahay, ina gowrac anoon gacmo xidh neyn.
Nebi Ibraahiim CS waa ka furay xargihii lugaha iyo gacmaha, mar labaad ayuuna middidii ku kir-kiray, wiilka surkiisa intii xoggiisa ah, markaas baa middidii afka ka soo laabmatay, waxna u goyn weyday.
Ismaaciil CS wuxuu ku yidhi Aabihiis Ibraahiim "Aabbe xoogaagii ayaa daciifay jeclaanta aad i jeceshahay awgeed, mana awoodid inaad i birayso".
Nebi Ibraahiim CS middidii ayuu ku garaacay dhagax, markaas bay dhagaxii labo u kala goysay, afka middidu leedahay awgeed.
Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri: "middidani way kala goynaysaa dhagaxa, hilibkana goyn meyso!!
Nebi Ibraahiim CS middidii ayaa la hadashay oo tidhi "Ibraahiimow waxaad i leedahay wax goy, Illahayna wuxuu i leeyahay ha goyn, ee sideen amarkaaga u yeelaa, Illahayna u caasiyaa?".
Intaas markii xaaladdu marayso ayaa Illahay u naadiyey kuna yidhi Aayadahaan qur'aanka ah.
Illahay wuxuu u keenay Wan wayn oo laga keenay sida la sheegay jannada, waxaana lagu beddelay Nebi Ismaaciil CS.
Jibriil oo la socday wanka, ayaa yiri:Allahu akbar, Allahu akbar,allahu akbar.
Nebi Ibraahiimna CS wuxuu yiri:"laa ilaaha ilalaah wallahu akbar".
Nebi Ismaaciilna CS wuxuu yidhi: "Allahu akbaru wallilaahil xamdu"
Sidaas daraadeed ayaa takbiirta la qaadaa maalmaha ciidda Carafo, inagoo ku dayanayna Nebi Ibraahiim CS.



by- Qalinkii -Qoraa- Ahmed suleiman-lababaale