Hargaysa:Diyaarado Duqeeyay Deegano U Dhaw Hargeysa.Iyo SShacabka Oo Is Weydiinaya Sababta Keentay

0
Sunday April 14, 2019 - 11:24:59 in by salman abdi
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Diyaarado Duqeeyay Deegano U Dhaw Hargeysa.Iyo SShacabka Oo Is Weydiinaya Sababta Keentay

    Hargaysa:Diyaarado Duqeeyay Deegano U Dhaw Hargeysa.Iyo SShacabka Oo Is Weydiinaya Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:Diyaarado Duqeeyay Deegano U Dhaw Hargeysa.Iyo SShacabka Oo Is Weydiinaya Sababta Keentay Diyaarado Duqeeyay Deegano U Dhaw Hargeysa.Iyo SShacabka Oo Is Weydiinaya Sababta Keentay

Wararka uu Telefishanka Horn Cable ka helay Degmada Salaxley, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay shalay banbooyin holcaya ku tuureen dad reer guuraa ah oo degen cidhifka banka qool-caday oo ka tirsan degamada salaxlay oo qiyaastii 50 km u jirta Hargeisa.

Gudoomiyaha Degmada Salaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) ayaa u sheegay warbaahinta HCTV, in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen jees reer guuraa ah iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmada.

"Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yidhi Gudoomiye Shiine.

gudoomiyaha degamada salaxlay waxaa uu sheegay inay goobtaasi ay tageen isla markaana ay soo arkeen hadhaaga hubkii ay diyaaraduhu tuureen iyo gubashada dhulkii ay ku habsadeen bambooyinku.

sidoo kale Xoolo dhaqato Geel ka waraabinayay ceelka Riigga ah banka qool caday oo lasoo xidhiidhay HCTV ayaa u sheegay inay maqleen jug Culus, iyo uuro ka kacday goobta ay diyaaradahu beegsadeen, maadaama ceelka ay ka waraabinayeen xoolaha aanu ka fogayn meesha diyaaraduhu hubka ku tuureen.

YAA ISKA LEH DIYAARADAHA WAX DUQEEYAY ?

lama oga dalka laga leeyahay leh diyaaradahaasi Militeri ee duqaynta gaystay, balse gudoomiyaha degmada salaxlay ayaa sheegay in marar hore diyaarado militeri ay joog hoose ku dulmareen degmada, balse ay tahay markii u horaysay ee Bambooyin Tuuraan, arrintaasi oo oo cabsi galisay dadwaynaha deegaanka.

laamaha ammaanka ee Somaliland iyo Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa lagu wargaliyay dhacdadan.

Sidan oo kale ayaa degmada Gabilay diyaarado dagaal ay hub ku tuureen dhul dhaaqsimeed ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah, xukuumadda somaliland-na kama hadasho inta badan arrimaha diyaadahaasi ay dadwaynuhu ka cabanayaan.