Berbera:-Shirkada DP World Oo Shaacisay Caqabado Ka Hortaagan Balaadhinta Dekeda Berbera

0
Tuesday April 16, 2019 - 12:46:38 in by salman abdi
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera:-Shirkada DP World Oo Shaacisay Caqabado Ka Hortaagan Balaadhinta Dekeda Berbera

    Berbera:-Shirkada DP World Oo Shaacisay Caqabado Ka Hortaagan Balaadhinta Dekeda Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera:-Shirkada DP World Oo Shaacisay Caqabado Ka Hortaagan Balaadhinta Dekeda Berbera

Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan ballaadhinta dekadda Berbera.

 

Madaxweynaha Somaliland oo shalay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka dhacay gudaha dekadda Berbera oo isbadal lagu sameeyay.



Maamulka Shirkadda DP World ayaa shaaciyay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo ballaadhinta dekadda magaalada Berbera.


Arrinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkaddu ay sheegeen in dhismaha ay sameynayeen uu gaadhay kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban.


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaadho hawshan shaqo joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera balaadhin weyn lagu sameeyo.


Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaadho Keydka dhuumaha shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaadhinta dekadda magaalada Berbera.


Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahamin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaariyo Dekadda.


Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera.