Wax ka badalka iyo kaabista ay xukuumaddu soo jeedisay ee Xeerka ismaamulka gobalada iyo dagmooyinka Xeer Lr.23/2001 ee golaha wakiilada horyaala iyo isdiidooyin ku jira.

0
Wednesday April 17, 2019 - 20:02:52 in by salman abdi
  • Visits: 395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka badalka iyo kaabista ay xukuumaddu soo jeedisay ee Xeerka ismaamulka gobalada iyo dagmooyinka Xeer Lr.23/2001 ee golaha wakiilada horyaala iyo isdiidooyin ku jira.

    Wax ka badalka iyo kaabista ay xukuumaddu soo jeedisay ee Xeerka ismaamulka gobalada iyo dagmooyinka Xeer Lr.23/2001 ee golaha wakiilada horyaala iyo isdiidooyin ku jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax ka badalka iyo kaabista ay xukuumaddu soo jeedisay ee Xeerka ismaamulka gobalada iyo dagmooyinka Xeer Lr.23/2001 ee golaha wakiilada horyaala iyo isdiidooyin ku jira.

                                                                   


Tusaale ahaan qoddob ka mid ah baa waxa uu tilmaamayaa in xubnaha laga soo doorto golayaasha deegganaku ayna la hayan wax Xasaanad ah ( dhowrsanaan).Golayaasha deggaanku waa golayaal sharci-dajineed oo ay yeelanayaan gobaladdu sidda uu dhigaayo dastuurka JSL waxaanay ku imanayaan doorashooyin.

Haddaba sideebay ku dhici karta caqli ahaan iyo sharci ahaanba masuul la soo doortay oo matalaadd shacabi ku imi la yidhaahdo ma laha wax dhowrsanaan ah oo waxa uu la mid yahay dadka caadiga ee soo doortay,Waxa kale oo uu xeerku dhigayaana in dhowrsanaanta ay helayaan oo kali ahi Maayirada iyo Maayiro ku-xigeenada gobaladu,hadda xisaabta ku darsoo isku si baa loo soo doortay,Bal eeg hadana saaxiibkayaw tan kale ee iyan cajiib ka ah,Waxa la xisaabtamaaya oo xilka ka qaadi kara gudoomiyayasha gobalada xubnaha golayaasha deegaanka,Waar maanu caqligu shaqaynayn siddee buu nin bila xasaanadd ahi ula xisaabtami karaa oo xil ka qaadis ugu samayn karaa nin xasaanadd huwan,Waa habenkii xalay ahaa ee tagay.

Waxaanna si cad u muuqato in ay xukuumaddu damacsan tahay in ay yimaadaan xubno golayaal deegaan oo waraabo-utaag ah oo goboladda dalka matala oo aan raadin karin xuquuqda goboladoodda iyo dagmooyinkoodda midna,Waayo waxaa laga siibay shaadhkii matalaada iyo dhowrsanaanta ee ay ku matali lahaayeen shacabkii soo doortay,oo kan wax doortay iyo kan la doortay waxba kuma kala duwana.Siddoo kale qoddobkani waxa uu cabudhin ku yahay xubnaha ka soo bixi doona axsaabta mucaaradka ah oo waxa dhici doonta haddii xubnahaasi ka aragti duwanaadaan xukuumadda suuq laga dhex qaadan doono iyadda oo loogu marmarsiiyoonaayo wax xasaanadda ah malaha.

Dhowrsanaanta qofka masuulka ahi huwan yahay maaha caqabad ka hor imanaysa sharciga iyo isla xisaabtanka oo qofka masuulka ah ee dhowrsanaanta leh haddiiba la arko isaga oo fal-denbiyeed faraha kula jira halkaas baa lagu qabanayaa haddii kale oo aannu wax fal-denbiyeed ah faraha kula jirina oo dacwad kale lagu soo oogo waxa jirta hannaan loo maro oo sharcigu ogolyahay.

Waar ka daaya baannu leenahay !

WQ: Garyaqaan c/raxmaan jaamac