
War Deg Deg Ah:-Saraakiil ka tirsan militariga Sudan oo xilalka iska casilay
			War Deg Deg Ah:-Saraakiil ka tirsan militariga Sudan oo xilalka iska casilay      
	 
	
		Saraakiishan is casishay ayaa waxay saaxib dhaw la ahaayeen madaxweynihii Sudaan ee xilka laga tuuray, Cumar Xasan Al Bashiir, kaas oo haatan Xabsi ku jira
	
      
    
        
  Waxaa ku dhawaaqay inay is casileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Xubnaha ugu sareeya millateriga dalka Sudan ee haya talada dalkaas,waxaana ay sabab u aheyd cabasho ka imaaneysay dadka dibadbaxa dhigayey.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa jiray kulan gaar ah oo u socday golaha sare ee militariga iyo hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxa dhigaya,waxaana dibadbaxayaasha ay dalbanayeen in dowlad rayid ah xukunka lagu wareejiyo.
Afahayeenka Militariga Suudaan, Janaraal Shamsuddiin Kabbashi ayaa oo Warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in labada dhinac ee hoggaamiyeyaasha dibadabaxayaasha iyo Golayaasha Millateriga ay isku raaceen in dowlad rayid ah xukunka lagu wareejiyo.
 
            




 0
                0            



 
         
         
         
         
         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                         
                        
War Deg Deg Ah:-Saraakiil ka tirsan militariga Sudan oo xilalka iska casilay
War Deg Deg Ah:-Saraakiil ka tirsan militariga Sudan oo xilalka iska casilay