Marwo Aamina Weris waa Marwadii Qarniga . Qormadii 4-aad

0
Sunday October 05, 2014 - 12:41:14 in by salman abdi
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwo Aamina Weris waa Marwadii Qarniga . Qormadii 4-aad

    Waxaan salaamayaa dhamaan saxaafadda madaxa banaan waxaan sii ambaqaadeynaa qormooyinkii taxanaha ahaa ee aan ku bogaadineyney marwo aamina weris dedaalka ay ka wado dalka ee ku aadan doorkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan salaamayaa dhamaan saxaafadda madaxa banaan waxaan sii ambaqaadeynaa qormooyinkii taxanaha ahaa ee aan ku bogaadineyney marwo aamina weris dedaalka ay ka wado dalka ee ku aadan doorkeeda.

Qormadii ugu dambeysey waxeynu kaga hadalney kuna bogaadiney marwada qarankii Doontii Ambulance-ka aheyd ee ay marwadu xadhiga ka jirtay taas oo ay aad ugu baahnaayeen deegaanadda ku teedsan bada ee xeebaha dalka saylac ilaa laasqorey.

Qormadeena maanta waxeynu kaga hadleynaa labadii dugsi ee laga hirgaliyey deegaanadda Laaso dacawo iyo Abdaal (Mandheera) oo dhiskoodii lasoo gabo gabeeyey dugsiyadaas oo ay marwadu bishii 9-aad sanadkii 2013 ay si wada jira u wada dhagax dhigeen marwo aamina weris iyo Wasiirada Waxbarashada Marwo Samsam Abdi Aadan.


Waxbarashadu waa horumarka dadkeena iyo dalkeena bulshadu waxey ku kala horumaraan kolba bulshadadeedu sidey aqoonteedu gaadhsiisantahey, dalba dalkuu dadkiisu xaga aqoonta ka dhisanyahey ayuu dhinacyada Dhaqaalaha, Dhiska Bilicsan iyo horumarka bulshada dhinac walba uu ka horu maraa.


Maanta waa ilaahey mahadii mar haddii bulshadeenu xagii horumarka u dhaqaaqdey oo ay waxbarashadii ilaa reer miyigii ay gaadhey, waxa jiray wakhti Qofka waxbarta lala yaabo oo la yidhaahdo wuxuu doonayaa gaalnimo, waxa jirtey wakhti waxbarashada loo mari jirey masaafo (Socod Dheer) si loo helo qof leh inyaroo cilmi ah, waxa jiray wakhti ay wax baran jireen dadka ladan (lacagta heysta ama dawlada u shaqeeya) , waxa jiray wakhti dadka marka la siiyo waxbarasho lacag la,aan ah (Scholarship) ay yidhaahdaan dadkayaga yaan nalaga gaaleyn. Waa wax ilaahey loogu mahad naqo mar haddii maanta dadkeenii waxbarashadda usoo jeestey oo aay ogaadeen in wax barashadu tahey furaha nolosha.

Haddaba aan usoo noqdo qormadeena maanta oo ku saabsan labada dugsi sare (Secondary) ee laga hirgaliyey deegaanada Laaso-dacawo iyo Mandheera (Abdaal) , deegaanka laga dhisey labadan dugsi ayaa baahi weyn u qabey Secondary School ardeyda wax ku barataa deegaanadan ayaa markey dugsiga hoose dhexe ka baxaan aan heysan dugsi sare ee ay uga gudbaan waxaana dhici jirtey in wax barashaddoodu halkaas kusoo idlaato sababtoo ah ardeyda oo u badnaa reer miyi iyo beeraley waalidkoodna aaney u saamaxeyn in magaalooyinka ay u diraan ubadkooga si ay waxbarashadooda usii wataan.

Haddaba labadan Secondary ee ay marwadu dhagax dhigtey Bishii 9-aad 2013 hirgalintiisa ay marwadu laheyd ayaa meesha ka saaraya baahidii loo qabey dugsiyadda ardey badan oo heysata shahaaddada dugsiga hoose dhexe ay maanta fursad u heystaan in waxbarashadoodii sii wataan marhaddii deegaankoogii loogu keeney iyagoo beertooda falanaaya ay waxbarashadoodana sii wataan.

Waxa nasiib daro in dad aan jeclayn horumarka Somaliland ay warar been abuur ah ay ka faafiyaan labadaas dugsi kuwaas oo ah dad tiro yar oo ku dhex maquurtey meydaanka siyaasadda shacabka cod kaga raadinayaan, dadkaasi waxey saxaafadda geliyeen in uu weli dhagaxii ay marwadu dhigtey uu yaalo ee wax dhisme ah laga hirgelin weli , anigu waxaan u arkaa in qofka waxaas lasoo fadhiisanaya Tv inuu hurdo kasoo toosey ama uu yahey shakhsi dibada ku maqan , waxaanan bulshada leeyahey ha maqlina qof hurdo kasoo toosey labada dugsi dhismahoodii wuu dhamaadey dhawaana ayey marwadu xadhiga ka jareysaa waxaan lagu bilaabi doona ardeyda sanad dugsiyeedkan secondary-ga u gudubtey.

Sidaan hore usoo sheegney maamo aamina weris iney tahey qof aqoon badan leh siiba aqoonteedu aad u durugsantahey, aqoonteedu waa ta keentey iney marwadu dareento baahida waxbarasho ee ka jira deegaanadaas , sidaas darteed waanu hambalyeynaynaa marwada haddanu nahey dhalinta gobolka saaxil.

Guntii iyo gabo gabadii waxaan mar saddexaad bogaadinayaa hambalyeynayaa taageerayaa maamo aamina weris taageeradda dadkaaga tabaaleysan hadey noqoto agoomo, haweenka dulman iyo mashaariicda horumarineed ee aad ka qeyb qaadato hadey noqoto wado la dhisaayo iskuulo iyo xarumo caafi aadba waxaad tahey marwadii qarniga ee somaliland waad muteysatey in lagu yidhaahdo shacabka aad marwada u tahey ayaa kuu caleemo saarey , fadlan wad dedaalka ilaahey ayaa badalkeeda abaal gud fiican ki siinayee.




Ciise Cali Xasan

Berbera / Somaliland 

************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com Masuul kama aha wixii dhaliil iyo toosin ah ee uu maqaalkani xambaarsanyahay keliya waxay dhiirigelinaysa is dhaafsiga fikirka , talo wadaaga iyo wax isu sheega, balse qoraaga ku qoran qormadan aya xumaanteeda iyo xilkeedaba iska leh