Aabo La'aan Maan Noqdo?!!!…W/Q: Cabdicasiis Guudcadde

0
Sunday October 05, 2014 - 12:56:17 in by salman abdi
  • Visits: 2033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabo La'aan Maan Noqdo?!!!…W/Q: Cabdicasiis Guudcadde

    Markay soddon jir cagaha la gashay oo ay waxbarashdiina halkii u saraysay gaadhay shaqana heshay, ayaa aabaheed la soo xidhiidhay!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markay soddon jir cagaha la gashay oo ay waxbarashdiina halkii u saraysay gaadhay shaqana heshay, ayaa aabaheed la soo xidhiidhay!!


 

Waa seban barwaaqo ah, roob Alla soo amray oo bushaaro mooyee aan balaayo wadan ayaa beesha jilba dhigay, xareedaa mulucyeysay durdurada, jidhaamadaa jiq ah, ceelashaa cimidha ah, shinbarahaa la giigay oo gaaf wareegaya geesaha kaynra iyagoo iskula kalaamaya afkoodii u goonida ahaa.Ammin muuqaalkaa leh ayaa carro-edeg waxaa kusoo biirtay gabadh, magac looguma wanqalin, aabaheedna wuxuu ku noolaa magaalada oo markuu ku hubsaday ayaa reerka ugu danbaysay. Hooyadeed ayaa degta u ridatay waajibaadka hooyanimo. aabenimo. waalidnimo. wehelnimo, qaraabonimo iyo saaxiibnimo ee inantu xaqa u leedahay inay hesho!Afar iyo toban sanno ayay inantii ku soo gaadhay iyadoo magac laawe ah! Markii da’deedu baarka ka jartay afar iyo toban gu’ ayay islaan ay ood-wadaag ahaayeeh inanta hooyadeed oo xaalkana korkakala socotay u bixisay inantii magac loo garaabay markay ku tirawday ‘naa inantu waaba [Agoon aabo leh!]‘. Inantii yarayd magacii wuu ku dhegay , dugsi ilaa heer jaamacadeedna wuu daba socday. Iyada oo saasa, ayaa maalin ayaamaha ka mid ah dhalinyaro ay saaxiibo ahaayeen ku tuurtuureen hadalo durid ah, oo dulucdeedu ahayd ‘Iyadoo bilaa aabo ahbay heerkan soo gaadhee, bal suuraysta haddii uu aabaheed la joogi lahaa halka ay gaadhi lahayd!’ Way ka aamustaa erayadaa daandaansiga ah.


Markay soddon jir cagaha la gashay oo ay waxbarashdiina halkii u saraysay gaadhay shaqana heshay, ayaa aabaheed la soo xidhiidhay!!


Waa kii 30ka gu’ kasoo ag-wareegin, iska daa inuu soo booqdee, waa kii aan xitaa laba soo hadal, waa kii biday inay dusha u ridato magac aanay raali ka ahayn…. Kii caynkaa ahaa ayaa hadda soo hanbaabiray!! Muxuu soo wataa tolow?!

Show wuxuu ahaa dawacadii la yidhi waxay sugtaa inta fadhaanfadhku ka dhamaynayo qodida godka si ay ugala wareegto ayadoon tacab gashan!

Wuxuu ahaa Shinbirtan loo yaqaan ‘KUKU’ ee la yidhaahdo waxay boobtaa buulasha ay samaystaan shinbiraha kale.

Bal akhriste, qiyaas waxaad ugu jawaabi lahayd ruuxaas ‘aabaha’ hafarka ah kuu ah ee kula soo hadlayna damacsana inuu goosto maxsuulka beer aanu falan, doonaya inuu furo dhaan aanu soo faruuryo xidhan..

Odaygii wuxuu farriintisa inantii soo gaadhay ku soo yidhi ‘Aabo, Ceeblaay, inaan bukay miyaanad ogayn maxaad iiga soo war dooni wayday, mudadaa ku siman 20ka sanno waan ku raadinayay, shin kastoo hooyadaa igu tidhi inanteenii way saqiirtay (Yarraanbay ku dhimatay oo way noqotay), hadana maan quusan oo waan waday raadcadaadii, waanan ku baadi doonay intaan ku baadi goobi karayay, waan maqlay inaad najaxday. Ogsoonoow in aanad ducadayda la’aanteed meelna gaadheen. Iminka iyo haatana aabo lama huraan waa caws jiilaale, waxaan kaa rabaa inaad iisoo wareegtid si aad ii haysid ninna kuugu dhiso!!, aabo la’aana ha is dhigin…!!’

Imisa khalad oo aan waaqici ahayn ayaa kaaga muuqda warqadiisaa?? Malaha degdegbuu usoo qoray, hadaan u qiil sameeyo, malaha qof kalay ku socotay oo Ceebla’ la yidhaahdo oo ay labaatan sanno isugu danbaysay!!!

Inantii ayaa u dirtay warqad jawaab ah oo ay keliya ku qoranyihiin 20 xaraf! Waxay ku tidhi halcelinteedaa ‘AABO LA’AANTAA DHAANTA!!!’

Hooyadeed ayaa ka warheshay warcelinahan la isa siiyay, waxaanay inantii yarayd ku canaanatay ‘maxaad aabahaa sidaa ula hadashay?!! Inantii yarayd ayaa ku tidhi oo hooyo kee aabahay ah; ma ka nolosha igu aasay?? ‘Oo yaa kugu yidhi wuu ku aasay nolosha!!?’, ‘warqasuu soo qoray ayuu kusoo dhigay, inantaydii way saqiirtaa hooyadaa igu tidhi’…



W/Q: Cabdicasiis Guudcadde 

*****************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com Masuul kama aha wixii dhaliil iyo toosin ah ee uu maqaalkani xambaarsanyahay keliya waxay dhiirigelinaysa is dhaafsiga fikirka , talo wadaaga iyo wax isu sheega, balse qoraaga ku qoran qormadan aya xumaanteeda iyo xilkeedaba iska leh