Aniga iyo Roge. WQ: M.TAAJIR

0
Sunday October 05, 2014 - 18:09:27 in by salman abdi
  • Visits: 1750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aniga iyo Roge. WQ: M.TAAJIR

    "Haash xabad sigaar ah oo la ganay,oo dalaq tidhi shaadh katabaan sudhan jeebkiisa silsilad dhacdooyin xidhiidhsan ah oo ka dhashay ayaa saldhig u ah sheekadan."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haash xabad sigaar ah oo la ganay,oo dalaq tidhi shaadh katabaan sudhan jeebkiisa silsilad dhacdooyin xidhiidhsan ah oo ka dhashay ayaa saldhig u ah sheekadan."


Roge02
Inkasta oo ay sheekadu sidan ku bilaabmatay hadana si weyn ayay u saamaynaysaa nolasha dadka Soomaalida ah, waa silsilad sida filimka ah oo  ku taxan 416 bog, waxa ku jira matalayaal tiro badan inkasta oo inta joogtada ah ay tirsan yihiin.
Waa buug aad odhanayso wax badan ayuu qaab malaawaal ah kuugu soo gudbin karaa taariikhda wax badan oo Soomaalida ka dhex dhacay xiligii Siyaad Bare iyo halgankii hubaysnaa ee lagaga hor yimi, waa mid si malaawaal ah kuu dhex gayn kara sida Soomaali isugu dad qalatawday, waxa inagaga filan inaan inyar ka taabano waxii Tooxow uu ku arkay mudug markii dadka deegaankaasi ay mucaaradeen oo naftiisa raad ku reebay, halka uu naftiisa ku waayay,qaranka uu difaacaayay iyo cida uu ka difaacaayay iyo deegaanka uu u dhashay.
Waa mid wax weyn ka tilmaamaya halgankii hubaysnaa ee SNM kadib dalku isda uu noqday, sida la filaayay xoraynta kadib inuu noqonaayo iyo waayihii qalafsanaa ee qabyaaladu ay gadhwadeenka ka ahayd sida ay mar kale dadka uga dhigtay kuwa dhiigmiirato ah. Intaad dhex mushaaxayso Bogaga buugan waad yaabaysaa,murugoonaysaa,qiiroonaysaa waliba mar marka qaarkood waad ilmaynaysaa.
Ilamadaas ayaan ku xasuustaye  markii iigu horasay ee aan buugan akhriyo waxay ahayd sanadii 2010-kii markaas waxaan ka shaqaynaayay hudheel seexasho ah oo  oday Maaweel uu ku leeyahay magaalada kaftanka Soomaalida xudunta u ah ee Burco, wakhtigaas aad ayuu buugani iiga ilmaysiiyay waliba mararka qaarkood waaban joojiyay inaan sii akhriyo, wakhti badan oo firaaqo ah ayaan haystay oo wax badan aan ku dhugan karaayay,  waan ka murugooday wiil guursaday inan uu aad u jeclaa oo ilimihii curad uurka ugu qaaday waayaha dalku uu adag yahay oo aanu dhaqaale jirin shaqana hadalkeeba daa oo nolasha xaaskiisa lacagtii lagu badbaadin lahaa todobo cisho uu u meeraysanaayay, waxa laga diiday in wax qalniin ah oo lagu kala badbaadinaayo gabadhaas iyo ilmahaas loo sameeyo inta lacagta lagu xidhay uu soo dhamaystiraayo, ugu danabynta waxay gabadhaasi isku go’aysaa iyada oo uu la hoos fadhiyo geed  cibitaalka ku yaala, xaalku waa ku jiq, tiriigii nolashiisuna hortiisa ayuu ku bakhtiyay isaga oo aan waxba u qaban karin.
Buugan waa mid inaga caawinaaya in aynu fahano faafitaanka xanuunka caateeyaha/Eydhis oo magac ahaana buuga ugu jira ROGE, waxa uu aqoon buuran kaa siin karaa sidii xanuunkaas oo ka hortag leh se aan daawayn lahayn aad uga hortagi lahayd, ku darso oo waxa uu wax weyn kaaga iftiiminayaa hogaanka iyo siyaasiyiinta maanta dalka horboodaa hankooda aadka u yar iyo sida ay xililka ay hayaan ugu dhibaan danyarta gaar ahaan haweenka.
Buugaan Roge waa mid ka mid ah taxanaha cirsan ka yeedh, waynu u mahadnaqaynaa qoraaga Cabdilaahi Cawad Cige, aanse la kaftamee qoraagu markii uu buugaan qoraayay tolaw xaalad caynkee ah ayuu ku jiray, waayo? buuga waxa ku badan riyooyinka, dawakhaada iyo waalida nasakhan oo ay dhex dabaalanayaan matalayaasha buugu.




Maxamed Taajir

Hargeysa Somaliland


Taajir88@hotmail.com