Hambalyo Jimcale Cawke oo loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Berbera

0
Tuesday October 07, 2014 - 10:07:11 in by salman abdi
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Jimcale Cawke oo loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Berbera

    Jimcale Cawke aya hore u ahaa Xidhiidhiyaha Maayarka iyo Dhalinyarada ee Degmada Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimcale Cawke aya hore u ahaa Xidhiidhiyaha Maayarka iyo Dhalinyarada ee Degmada Berbera Maayarka Berbera oo ah Hormuudka Maayarada Dalka isla markaasna ah tiirka ugu adag ee dhalinyarada Gobolka Saaxik ku taagantahay ayaa Jimcaale Cabdilahi Jamac (Jimcale Cawke) u magacaabay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Degmada Berbera, Hore Waxa uu jimcale ugu magacaabay maayarku lataliyaha iyo xidhiidhiyaha Mayarka iyo Dhalinyarada, waxana uu noqonaya Xilkii 2aad ee maayarka Berbera muddadii uu joogay uu u magacaabo jimcaale Cawke oo ah Shakhsi dhalinyaro ah oo ku suntan karti, dedaal, daacadnimo iyo Bulshaawinimo, waana ta kelliftan inu maayarku ku qanco sida uu uga so baxay xilkii uu hore ugu magacaabay, isla markasna uu xilkan u magacaabo, waxana suuro gal ah inu jimcaale yahay shakhsigii ama masuulkii ugu yaraa ee xilkaasi agaasime loo magacaabo. Maayarka Berbera ayaa inta badan isku tiriya dhalinyarada, isla markaasna weliba si Practical ah ama la taaban karo u muujiya inu ka mid yahay dhalinyarada, waxana u noqday maayarki ugu horeeyey ee hamiga dhalinyarada gobolkiisa u rumeeya , waxanu hirgeliyey maktabad (Library) ay wax ku akhrista dhalinyarada Berbera, sido kale waxa uu qiimeeya dhalinyarada u dhaqdhaqaaqa arrimaha dhalinyarada, waana ta uu ku qiimeeyey ee uu masuliyadda ugu dhiibay jimcaale cawke oo ka mid ahaa muddo dheer dhalinyarada ururada Bulshada,isago weliba mar ahaa mid ka mid ah suxfiyiinta gobolka Saaxil.



By: Mustafe Teacher
Burco Somaliland