Guddi ay xukuumadda Soomaaliya u saartay howlaha Xajka sanadkan oo war soo saaray

0
Friday May 17, 2019 - 10:01:49 in by salman abdi
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddi ay xukuumadda Soomaaliya u saartay howlaha Xajka sanadkan oo war soo saaray

    Guddi ay xukuumadda Soomaaliya u saartay howlaha Xajka sanadkan oo war soo saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddi ay xukuumadda Soomaaliya u saartay howlaha Xajka sanadkan oo war soo saaray

War ka soo baxay guddi dhawaan ay ku magacaawday xukuumadda Soomaaliya arrimaha Xajka ayaa soo saaray tirada Xujeyda sanadkan loo ogolaaday Soomaaliya in ay tagaan Xajka.

Suldaan Cabdi Qani Qorane oo ka mid ah xubnaha guddiga oo warbaahinta u akhriyay qoraalka ka soo baxay guddiga ayaa sheegay in tirada Somaalida ee sanadkan loo ogolaaday in ay tagaan Xajka ay gaarayaan 11,500 ruux.

 

Waxaa kaloo uu intaa ku daray in 3-dii Bishan Apriil ay xukuumaddu go’aamisay go’aamisay in Shirkadaha ka qeyb galaya tartanka inay ku Shaqeeyaan nidaamka Xablooyinka oo hoostagaya marsada ayna ka qeyb galaan tartan furan oo ku dhisan fursan loo siman yahay.

Waxaa uu intaa ku darray islamarkaana uu ka hadlay qodob ay ka walacsanaayeem Xujeyda oo ah qiimaha,waxaana uu sheegay in qiimaha Xajka ee sanadkaan uu yahay $3600 oo dollar halka qiimaha ugu sareeya ee vip-da ay tahay 5,000 oo Dollar.

Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in tartankii la galay ee Shirkadaha ay ku guuleysteen 58 shirkadood,isaga oo soo bandhigay Magacyada Shirkadaha diyaaradaha ee guuleystay.