Huqda iyo Hagardaamada uu Tahriibku ku Reebay Waalidka WQ: Guled Shaacir

0
Wednesday October 08, 2014 - 11:28:04 in by salman abdi
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Huqda iyo Hagardaamada uu Tahriibku ku Reebay Waalidka WQ: Guled Shaacir

    5/10/14 waa fiid hore oo markaa uun salaadii maqrib laga soo baxay,suuqa hoose ee magaalada Hargeisa Ayaan joogay , waxaanan rabay in aan bas u raaco xaafada xawaadle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

5/10/14 waa fiid hore oo markaa uun salaadii maqrib laga soo baxay,suuqa hoose ee magaalada Hargeisa Ayaan joogay , waxaanan rabay in aan bas u raaco xaafada xawaadle

oo markaa hawl aan ku lahaa ,bas Ayaan raacay, badiba ragu haga hore ayay jecel yihiine waxaan fadhiistay afarta kursi ee dirawalka ka dambeeya mid ka mida , dhinacayga midig waxaa soo fadhiistay nin waayeela oo madaxu wada cad yahay .


Baskii markuu dhaqaaqay ee uu ku dhawyahay xaafada idaacada ayaa odaygii moobilkiisii soo dhacay,lasoo garaacay ama lasoo wacay hadba sidaad u taqaano ,hadaladiisa waxaad ka dareemaysay in uu la hadlaayo qof ehelkiisa ka mida ,erayada markaa afkiisa kasoo baxayay waxaa kamida ( markii hore yaa qaaday ) (markii hore yaa qaaday), khadka ayaa xumaa dhawr gowr ayaa ka go ay , mar dambe ayuu sifiican u maqlay qofkii la hadlaayay una sheegay war faahfaahsan ,odaygii markaa wuu kacay gaadhigiina wuu socdaa , waxa intaa dheer dhaqaaq ayuu is yidhi ninkii baska waday ayaa xanaaqay oo yidhi (maad iska istaagaysaa maad noo joog na tidhaahdid), odaygu isma oga naxdin iyo amakaak ayaa haysta ,waa tuu alla ha u naxariistee lahaa abwaankii waynaa C/LAAHI MACALIN DHOODAAN


Hiinraaga feedhaha waxaan hililig leeyaba
Kolna waxaan halmaan aawadii huga ilaawaba


Odaygu wuxuu hilmaamay hami aawadeed in uu bus la socdo waxanay la tahay sidii qof kaligii wado taagan yahay oo kale .


Baskii ayaa la istajigayay kadibna wuu fadhiistay isaga oo wali hadlaaya oo leh (midh haw dirin halkaa ha lagu qashee ),tilifoonkiina wuu dhigay isaga oo xaalada uu ku jiro illahay uun qiyaasi karo nin arkaayayna ay aad u damqayso dhidid ayaa shax kasoo yidhi , wuxuuna soo eegay dhinacaygii wuxuuna yidhi isaga oo aan is ogayn adeer ( walaashii oo ka wayn ayaa 50 cisho oo kaliya jarmalka joogta oo aan shalay uun kaga saaray waxaan aduun hayay , waa nin isaguye ama ha laqasho ama ha noolaado).


Aniga markaa aad ayay ii damaqday jawaabna umaan celin odaygii inyar kadibna wuu naga dagay .


Maanta aafada tahriibku waa mid taabatay guri kasta oo inaga mida, laakiin sababta aan u jeclaystay in aan sheekadan qoro oo aan idinla wadaayo waxa weeyaan dhalinyarta tahriibaysaa inkaarta, karaahiyada, naxdinta, hagardaamada , silica , caydha , magac xumada ay uga tagayaan waalidkii dhalay .


Midna waa in aynu xisaabta ku darsano inkaarta iyo ducada midna maaha sida la moodayo labaduba waxay ku dhaceen si aan la dareemi Karin , tusaale ahaan manta hadii aad hooyadaa oo aan kaa filayn ficil ama qowl kaga farxiso duco ayaad kasbatay , cagsiga hadii aad iyada oo aan kaa filayn aad u quudho hadal xun ama ficil xun inkaar ayaa kugu dhacaysa waayo waa tuu lahaa abwaanka wayn MAXAMED IBRAAHIM WARSAME ( HADRAAWI )


Anuu ku habaari maayo
Huq baase ku raadinaysa


Waalidku isaga oo aan afka ka odhan inkaark kugu dhacday ayaa huqda qalbiga ka timaada noqotaa duco ama inkaar .


Ugu dambayntii maalin walba waxaad maqashaa qisooyin kuwan ka xanuun badan ,qaar aduunkii ay haysteen iyo ilmahoogiiba ku waayay aafada tahriibka,qaar ilmihii kaliya ee ay ku indha doogsanayeen aakhiro ka tagay,hablo kufsi iyo sharaf daro ku maray jidka dhimashada ,hablo lugta laga xidhay oo sidii hoolaha loo haysto sanado iyo qaar kale oo badan .


Hadaad aduunka meeshaan doonto tagto se waalidkaa inkaar ka iyo naxdin miisatay walaahi meel gaadhi maysid noloshaadana silic iyo rafaad ayaad ku noolaanaysaa xasilid iyo liibaana ka ka heli maysid dhaldhalaal kasta oo aad kala kulanto wadamada yurub waayo horay soomaalidu ugu maahmaahday ( nin habaar qaba ma hadh galo).


Guuleed axmed xaashi (shaacir)
Gaaxnuug2013@gmail.com
Hargeisa Somaliland



**************************************************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com Masuul kama aha wixii dhaliil iyo toosin ah ee uu maqaalkani xambaarsanyahay keliya waxay dhiirigelinaysa is dhaafsiga fikirka , talo wadaaga iyo wax isu sheega, balse qoraaga ku qoran qormadan aya xumaanteeda iyo xilkeedaba iska leh