Waxan Ad ugu Hambalyaynaya Sxbkay Jimcale Cawke oo loo magacabay Agasimaha Arrimaha Bulshada Dawlada hose Berbera

0
Wednesday October 08, 2014 - 11:44:59 in by salman abdi
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxan Ad ugu Hambalyaynaya Sxbkay Jimcale Cawke oo loo magacabay Agasimaha Arrimaha Bulshada Dawlada hose Berbera

    Runti xilka uu saaxibkay jimcale dhabarka u ritay maaha mid yar oo fudud waa xil culasykiisa leh hase yeeshe waan ku kalsoonay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Runti xilka uu saaxibkay jimcale dhabarka u ritay maaha mid yar oo fudud waa xil culasykiisa leh hase yeeshe waan ku kalsoonay  inuu sideeda uga soo bixi doono iyadoo aan ogay dawladda hoose shaqadeeduba inay tahay u adeegidda iyo dhamaystirka arimaha bulshada hadday tahay caafimad, waxbarasho ,bilicdda deegaanka iyo wixii kale ee la xidhiidha baahiyaha bulshada

Waxaan rajaynyaa inuu wax badan ka tari doono oo ku hirgalin doono firfircoonidiisa dheeraadka iyo karitdiisa baahiyaha loo qabo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada reer Berbera ee u manta u noqday masuulka

Dhanka kale jimcaale wuxu markhaati cad u noqon doonaa dhalinyarada sidiisa oo kale ah ee dalka u kacday inay qaban karaan masuuliyadda bulshada oo ay waliba wax badan ku soo kordhin karaan hawlaha qaranka waayo wa maskax cusub oon daalin dardar cusub oo shaqo jacayl ahina ku jirto

 

Hamablyo taas la mid ah ama ka sii sarraysa waxaan u diraya duqa degmada berbera mudane mayor cabdi shakuur maxamud xasan ciddin oon ugu hambalyaynayo inuu shaqaalihiisa ugu culus kusoo daro wiil da,yar oo aan 25sano ka badnayn oo uu dhiiri galin buuxda la barbar istaagay dhalinyarada isagoo hore u magaacabay xubno badan oo dhalinyara ah una dhiibay meelaha muhiimka ah ee shaqadu ka socoto si loo helo hawl socodsiin cusub oo caajisku ku yaryay waanay ka muuqata maamulka dawladda hoose ee Berbera doorka ay dhalinyaradu ku leeyihin shaqo socodsiinta xarunta

Malahayga malaa dawladda hoose ee bebera ama mayor cabdi shauur waa masuulka kaliya ee gobolada kale masuulyintooda dheeraday inuu shaqada ku warejiyo da,yarta u soo kacaysa dalka si ay dhiiri galin ugu noqoto dalkana u aaminaan dhanka kale waa olole ka dhan ah tahriibka in dhalinyarada lagu daro xubnaha culus ee dawladda

Waan ugu hambalyaynyaa markale cabdi shakuur fiirka fiican ee uu ku xushay dhalinyarada

 

Saaxibkay jimcaale cabdi laahi jaamac waxan kula dardaarmaya inuu xilkaa culus ee loo dhiibay ku dedaalo inuu galiyo karti badan oo uu sida la doonayo iyo si kasii wacan u qabto oo dedaalkiisa shaqo laba laabo waayo waa muraayaddii laga dhex arkayay dhalinyarada sidiisa oo kale soo kacaysa haddii manta aad ka soo baxdo shaqadaada waliba sida ugu wacan waxay tusaale cad u tahay in dalka dhalinyarada lagu aamino oo la nasiyo aabayasheen iyo awoowayaasheen oo malaa aan diyaar u ahayn banaynta xilalka ay qaranka u hayaan xagga kalena waxay xujo ku noqon doontaa masuliyinta sida cabdi shakuur o kale yeeli waayay ee wali dhabbihii hore dabada haysta

 

Guntii iyo gabagabdii alle Ayaan kaaga baryayaa inu kugu astiro xilkaa culus ee laguu dhiibay mayor cabdi shakuurna waan uga mahadnaqaynaa xilkaa uu u magaacabay labeentii dhalinyarad Berbera ugu wacnayd oo midh iyo laba ka badan



 

Cabdi samad siciid cali

Berbera Somaliland

Dubad111@gmail..com



**************************************************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com Masuul kama aha wixii dhaliil iyo toosin ah ee uu maqaalkani xambaarsanyahay keliya waxay dhiirigelinaysa is dhaafsiga fikirka , talo wadaaga iyo wax isu sheega, balse qoraaga ku qoran qormadan aya xumaanteeda iyo xilkeedaba iska leh