Hasaawaha Dhalinyarada iyo Dhibka ay kala kulmaan Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

0
Wednesday October 08, 2014 - 11:54:49 in by salman abdi
  • Visits: 2057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Hasaawaha Dhalinyarada iyo Dhibka ay kala kulmaan Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

    Qofkasta oo inaga mida ama bani'aadan ah kolay wuu soo maray haasawaa iyo dhib iyo dheef waxa lagala kulmo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofkasta oo inaga mida ama bani'aadan ah kolay wuu soo maray haasawaa iyo dhib iyo dheef waxa lagala kulmo,

Haasawuhuna maaha wax ceeb ah waana wax uu ilahay SWT ku abuuray dareenka aadamaha, Dadkenii hore haasawuhu wuxuu u ahaa wax lagu faano ama wax ay qiimeeyaan Laakiin dadkeena hada nool waxaad moodaa in ay haasawihii meel ay kaga dhaceen taas oo ay ku talax tageen wixii uu lahaa shuruuc,Waxyabahaas ay ku soo biiriyeen ama ay ku soo dareen runtii halkan laguma soo koobi karo laakiin haddii aynu wax yar dulmarno waxaa ka mida Waxaad arkeysa wiil iyo gabadh ama inan iyo inan qofba sida uu u yaqaano, Kuwaas oo jecel in ay wadaagaan haasawe balse aana daacad u ahayn haasawahooda,Waxaa ka mida beenta oo iyadu noqotay hoyga haasawaha manta, Waxaa jira dad badan oo muddo dheer soo waddaagi jiray haasawe balse intaas oo dhan ay ku wada hadli jireen been iyo borogaraado, Runtii dhalinyaradu uma arkaan in ay beentu tahay ta kaliya ee dhalinyarada kala fogeyn karta noloshooda, Bal aan idiin soo dulmaro laba lamaane oo u middoobay Hasaawaha nolosha balse aan guul ka gaadhin Hadafkii ay lahaayeen, Labadan qof oo markii hore ahaa dad aad iyo aad isu jecel halka midba midka kale uu u jeclaa si aan caadi ahayn, Deeqa iyo Muuse waxay ahayeen laba qof oo ay dadka intooda badan ee isu yaqaana ay ku tilmaami jireen lamaanaha qarniga, Labadan ruux ee uu hasaawuhu ka dhaxeeyay waxay ku noolaayeen magaalo ka mida caasimda dalka soomaaliya ee muqdisho, Kuwaas oo wadda dhigan jiray waxbarashada dugsiga hoose dhaxe ilaa ay gaadhayeen dugsiga sare, Muuse markii uu dhameeyay dugsigii sare ehalkiisii waxay u sheegan in u tago jaamacada magaalaa Hargeysa, Illeen waa nin u qof ka dambeeyee hadalkii waalidkiisu wuxuu ku noqday mid uu aad uga xumaado waayo halkan waxaa joogta gabadhii uu aduunka ugu jeclaa, Haddii uu markaa tago jamacada uu walidkiisu u diray wuxu aaminsanyahay in uu waayi doono gabadhan uu jecelyahay, Muuse talo way ku ciirtay dhinac hadalkii waalidkiisu maaha mid uu diidi karo dhanna waxaa jirta ruuxa uu jacaylku ka dhaxeeyo oo ay ku adahtay in uu ka tago, Muddo badan ayuu waalidkiisa ku khasbaayay in ay iska daayaan oo uu isla magaaladan uu dagan yahay jaamacada ka dhigto, Hasehaatee hadalkiisi wuxuu noqday mid ay waalidki ka biyo’diidaan waxayna ku noqotay in uu qaato talada waalidka oo uu soo dhameysto jaamacada Hargeysa, Taladaasna waxaa siisay gabadha uu jeclaa oo ku dhiirigalisay in uu maqlo hadalka waalidkiisa, Muuse imay jaamacadii Hargeysa iskuna day in uu dhameysto Jaamacada balse waxa uu tabayaa oo uu ka yimid gacalisadiisii Deeqa, Labadan ruux oo muddo badan so waday xadhiidh jacayl kuwaas oo ay duruufta iyo waayuhu ku kaliftay in ay kala fogaadaan halka ay marki hore meel ku wada noolaayee, Muuse iyo Deeqa oo ay dada isu yaqaaney in ay yihiin dad is jecel ay u bixiyeen lamaanaha qarniga ,


Waxay sidaa ahaataba midna bari qabay midna galbeed tag iyadoo sidaasi jirto jacaylkii la soo waday ama lagu soo tabcay wuxuu noqday, Hal bacaad lagu lisay waayo waxa uu ka baxay farahooda wuxuuna raacay dabaysha kaas oo laba masuul midba midka kale ku eedeynaayo in uu ka dheeliyay dhankiisa, Balse sheekada haddii shaaca laga qaado waxay eedu ku dhacaysaa gabadha Deeqa oo iyadu xadhiga u jartay wiilkii Muuse ee ay is jeclaayeen, Muuse jamacadii wuxuu ku dhameystay war’war iyo walbahaar jeceyl isga oo ku warwaraaya inantii aad jeclayd ee iyaduna ku jeclayd tolow maxaa kaa afduubay, Miyaa la guursaday? mise wax kale oo ay kaaga maarantay ayay heshay? Deeqa iyadu waxay iska ilowday wiilkii uu xidhiidhku u dhaxeeyay ee Muuse taas oo iska raacday nolol cusub, Markii uu dhamaystay jamacadii Hargeysa Muuse wuxu isku dayay in uu sida ugu dhakhsaha badan ugu laabto Magaladii Muqdisho, waxaana maskaxdiisa ku jirta waa inaad soo ogaataa waxa ay kaaga hadhay gabadhii aad is jeclaydeen taas oo uu rabo inuu ka war keeno ayaa ku kaliftay inuu Jaamacada Deg deg ku dhameeyo, muuse tag halkii malabka loogu shubay balse wuxuu kala kulmay wax uuna meesha ka filaneyn, markii uu sidaa u tagay Magaaladii ay ku wada nolaan jireen isaga iyo gabadhii ay is jeclaayeen, waxaa loo sheegay in ay gabadhii ay Bari xidhiidhku ka dhaxeeyay hada ay tahay, marwo reer leh ama gabadh la qabo oo nin kale leh, ninkan waxaaas ay dadku u sheegayaan dheg jalaq uma siinaayo wuxuuna leeyay anigu dadka waxba kama qoraayo ee waxaan rabaa inaan Deeqa afkeeda ka maqlo waxaas ay dadku sheegayaan in ay runtay iyo in kale, iska rumeyso lahaydaa wiilkii Muuse oo maalin maalmaha ka mid ah maraya meel wado ah waxay si kadis ha iskaga soo hor baxeen gabadhii Deeqa, taas ku noqotay mid uu aad ugu farxo maadaama oo uu mddo badan raadiyay meel uu ka helo isa oo aan hayn meel uu kala xidhiidho, waxaa la yidhi haddii aad faraxdo waxaa kugu xigta naxdin sidoo kale haddii aad naxdo waxaa kugu xigta farxad, isaga oo ay farxad u ahayd aragtida gabadhaa u jeclaa muddo badna uuna indo saarin, soo bidhaami balse iyada waxaa la socda dad kale oo ay asxaab yihiin mana aragto wiilka qoraansanaaya wax yar markii u soo jiray waxay indhihiisu qabteen in ay gabdhan thay ruux uur leh, dib ayuu u noqday wuxuuna is yidhi malaa waad khaldantay ee waxaad aragtay gabadh kale, inyar ka dib waxaa isku dhacay labadii indhood oo qofba mid kale u ka naxay waayo Deeqa marna kamay filayn in uu halkan joogo, Muuse halkaa wuxuu kala kulmay wax ay Naftiisu qaadi kari waydo iyo wax una marna niyada galin, Isku soo wada duuboo waxay sidaasi ahaataba Muuse oo isku dayay in uu badalo noloshiisa oo uu sida ugu dhakhsaha badan iskaga illaabo gabadhaa Deeqa, Wuxuuna go’aankiisa ka dhigatay in uu iskaga tago magaladan uu joogo maadaama oo hadii uu halkan joogo uuna illaabi Karin Deeqa, Safar ayuu u diaar garoobay in uu tago dalka Maraykanka si uu mar uun uga saaro Deeqa niyadiisa, Markii uu sidaa u tagay dalka Maraykanka Deeqa oo iyadu ogaatay I uu tagay dalkaa, Waxay damacday in ay u sheegto in ay wali jeceshay oo tolow markii uu magaalada joogay axay ugu sheegi wayday? Muuse ma ka aqbali doonaa codsiga ay rabto deeqa in ay u dirto? Waxay sidaa ku socotaba la hadashay una sheegay jabka ay maagantay balse wiilkii uu ku gacnsaydhay wuxuna u sheegay in uu Magaalada iyada darteed uga Haajiray isla markaana uu hada ka xanaaqayo Magaceda iyo hadalkeeda, Intaas waxaa inoogu eeg maqaalkaa gaaban ee aynu ugu magacdarney Haasaawaha dhalinyarada iyo dhibka ay kala kulmaan, Waxaanan eeyahay dhalinyarada iska hubsada qofka aad jeceshay inaad xidhiidh wadaagtaan, waayo soomaalidu waxay ku maahmaahday barasho horteed ha I nicin taas waxaan uga socdaa qofka marka aad barato ayuun baad fahmi kartaa waxa aad jeceshay in uu kula wadaago,



Waanad Mahadsantiin dhamaantiin



Qalinkii: Nimco Baashe Cabdi (NBC)

Caashaqa555@hortmail.com

Hargeysa Somaliland


**************************************************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com Masuul kama aha wixii dhaliil iyo toosin ah ee uu maqaalkani xambaarsanyahay keliya waxay dhiirigelinaysa is dhaafsiga fikirka , talo wadaaga iyo wax isu sheega, balse qoraaga ku qoran qormadan aya xumaanteeda iyo xilkeedaba iska leh