Wadamada Afrika Oo Hirgelinaya Heshiiska Ganacsiga Xorta Ah Iyo Tirada Wadamada Ilaa Hada Saxeexay

0
Friday May 31, 2019 - 16:10:31 in by salman abdi
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadamada Afrika Oo Hirgelinaya Heshiiska Ganacsiga Xorta Ah Iyo Tirada Wadamada Ilaa Hada Saxeexay

    Wadamada Afrika Oo Hirgelinaya Heshiiska Ganacsiga Xorta Ah Iyo Tirada Wadamada Ilaa Hada Saxeexay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadamada Afrika Oo Hirgelinaya Heshiiska Ganacsiga Xorta Ah Iyo Tirada Wadamada Ilaa Hada Saxeexay

Heshiiska ganacsiga xorta ah ee wadamada Afrika ayaa si rasmi ah loo daah furay.


 


 

Heshiiskan ayaa dhaqan galay maanta iyada wadamada aan saxeexin ay fursad u haystaan ilaa bisha July ee sanadkan si ay u darsaan qaabka uu u shaqaynayo.


Heshiiskan ayaa wadamo ka tirsan qaarada Afrika ay si rasmi ah u bilaabi doonaan iyada oo la eegayo faraqa uu soo kordhiyo.


Guddida ganacsiga iyo warshadaha ee ururka midawga Afrika ayaa soo dhaweeyey warka ku saabsan hirgelinta heshiiska ganacsiga xorta ah ee qaarada Afrika.


Heshiiskan ayey si rasmi ah u saxeexeen 24 wadan oo ka mid ah 54 dal ee qaarada Afrika, iyada oo wadanka ugu dhaqaalaha weyn ee Nigeria la sugayo inuu heshiiskaas saxeexo, balse wadanka Burkina Faso ah wadankii ugu dambeeyey ee saxeexay heshiiskan maalintii arbacadii.


Heshiiskan ayaa ujeedadiisu tahay abuurida suuq kaliya oo laga helo alaabada iyo adeegyada iyada oo alaabada, ganacsatada iyo maalgashiga Afrika ay noqon doonaan kuwo si xor ah iskaga gudba wadamada sida Yurub oo kale.


Khabiirada ku takhasusay dhaqaalaha ayaa sheegaya in heshiiskani uu kor u qaadi doono ganacsiga Afrika isla markaana uu qaarada ka taageeri doono inay kaalmaha hore ka soo gasho ganacsiga aduunka.


Dhinaca kale guddida dhaqaalaha ee qaramada midoobay ayaa saadaalinaya in heshiiskani uu 53% kor u qaadi doono ganacsiga u dhaxeeya wadamada Afrika.


Sidoo kale midawga Afrika ayaa sheegay in marka ay wadamada oo dhami saxeexaan heshiiskan uu noqon doono midka ugu weyn ee ganacsiga xorta ah ilaa hada inta lagu hayo diwaan gelinta ururka ganacsiga aduunka