Madaxweynaha Jubbaland oo salaadda Ciidda boqollaal qof kula tukaday magaalada Kismaayo

0
Tuesday June 04, 2019 - 13:32:51 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland oo salaadda Ciidda boqollaal qof kula tukaday magaalada Kismaayo

    Madaxweynaha Jubbaland oo salaadda Ciidda boqollaal qof kula tukaday magaalada Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubbaland oo salaadda Ciidda boqollaal qof kula tukaday magaalada Kismaayo Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland , Axmed Maxamed Islaam ayaa dadweyne iyo mas'uuliyiin kala duwan maanta salaada ciidul fidriga kula tukaday Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu horrayn guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo ugu baaqay inay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Madaxweynahaha ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladahii burburka lahaa ee dalku uu soo maray isagoo xusay in Soomaalida ay u nugul yihiin wax duminta iyo in hantida umada la burburiyo taas oo wadaniyada iyo dal jacaylka aan sal ku lahayn wuxuu intaas ku daray in burburkii dalka laga dhaxlay kala daadsanaan iyo sharciga oo aan la aaminin.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowladnimada Soomaaliya ay tahay wax adag in dadka sharciga lagu hago balse sannadahii dhawaa wax badan ay isa soo badalayeen inkasto qaybaalada ay wali tahay caqabad weyn oo aan laga gudbin.

Dhinaca kale,wuxuu sheegay Madaxweynahu in siyaasadda dalka aanay fadhiyin oo wax badan ay khaldanyihiin isagoo xusay in madaxda dowlada Federaalka ah aanay war badan ka haynin dhibkii looso maray Dowladnimada iyo isku haynta Qaranka sida ay qiyamka u tahay.

Dadweynaha ree Jubbaland Ayuu isagoo sii hadlaya Madaxweynahu ugu baaqay midnimo iyo wadajir isagoo sheegay in doorashooyinka dhawaan dhacaya ay tahay in la ilaaliyo Dastuurka iyo sharciga Jubbaland u yaala taas oo ah waxa Dowladnimadeenu ay ku dhisan tahay.

Gudiga Xuduudaha iyo doorashooyinka ayuu Madaxweynahu sheegay in cidii damac uu ku jiro ay marto iyo shuruucda kale ee Jubbaland u yaala balse aan la aqbalaynin fara galin isagoo si gaar ah u xusay in warqadii dhawaan ay soo saartay Wasaarada Arimaha gudaha aysan ahayn wax Jubbaland u yaala.

Arimaha Amniga ayuu xusay Madaxweynahu in aan marna gorgortan laga galaynin oo ay tahay in qof walbaa uu wixii sharcigu u ogolyahay uu maro.

Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay kasoo dhalaalan doorkooda hogaamineed iyo ka odayaynta danaha umada iyo wadajirkeeda.