KEEBAAD DOORAN LAHAYD SADDEEXDAN MUSHARAX ? FAALLO WQ:Cabdi casiis Bashiir Nuur

0
Thursday October 09, 2014 - 11:13:16 in by salman abdi
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KEEBAAD DOORAN LAHAYD SADDEEXDAN MUSHARAX ? FAALLO WQ:Cabdi casiis Bashiir Nuur

    Somaliland waa dal dimu-quraadiyadi ah,kana jiraan asxaab mucaarid iyo muxaad-baa leh,waxaana ka qab-soomay dooraashooyin badan,waxaa tiraaba dhawr jeer ka dalka ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland waa dal dimu-quraadiyadi ah,kana jiraan asxaab mucaarid iyo muxaad-baa leh,waxaana ka qab-soomay dooraashooyin badan,waxaa tiraaba dhawr jeer ka dalka ka

dhacay afar dooraasho oo kala duwan,kuwaaso kala ahaa doorashadi gollaha deegaanka ee ugu horeysay,ee wadanka ka dhacay 2003.taaso lagusoo baxaayeey qaab liisaas ah.waxaanay noqdeen golihii deegaanka ee ugu horeeyey ee si sharci ah loo soo doortay.

Waxaa ku xigey doorashadi madaxweynenimo ee islaa sanadkaas ka dhacday dalka.kuna tar-tamaayeeyen ,sadeex musharax.oo kala ahaa madaxweynihii wakhtigaas,mudane Daahir rayaale Kaahin ,gudoomiyihii xisbiga Mucaaridka ahaa Ee Kulmiye ahaana musaharaxa xisbigaas,mudane axmed siilaanyo .xisbiga saddeexaad waxaa uu ahaa xisbiga cadaaladda iyo daryeel Ucid.kaaso u mushaarax u ahaa gudoomiye Faysal cali waraabe .oo ahaana siyaasiga wakhtigaas u da”da yaraa .doorashadaas waxaa lagu kala ad-kaaday cod aad u yar kaaso u ku Guleystay .madaxweynihii tallada hayeey,Daahir Rayaale Kaahin.waxaana tiro lagu sheegay sided-tan cod uu kaga heelay,xisbi wakhtigaas mucaarid ka ah ee Kulmiye.waxaana sidaas ku ansaxday doorashadi ugu horeysay ee madaxweynenimo ee dalka ka dhacday .

Waxaa iyaana dalka ka dhacday doorasho baarlamaan,halkaaso u mudanuhuu kasoo baxaayo sadeexdan xisbi ee kalaa ahaa Udub,Kulmiye iyo Ucid . waxaan si wanaagsan u dhacday doorashadaas,waxaa aqlabiyadda gollaha wakiiladda Helay,xisbigii tallaada hayeey ee UDUB ,balse waxaa Jiifka uu diidey,isbahaysii xoog-badnaa oo dhex-maray , labadii xisbii mucaarid,ee Kulmiye iyo Ucid.waxanay isbahaysigoodaasi,fur-sadda u diidey inay, xisbigii talaada hayeey uu hoggaamiyo baarlamaan.sidaasnaa waxaa lagu doortay.shir gudoonka aqalka wakiilada Somaliland,waxaana gudoomiye loo doortay gudoomiyaha ilaayo hadda ah,mudane cabdi raxmaan ciro,oo kazoo baxay xisbiga cadaaladda iyo daryeelka.halkaa labadiisa ku xigeenna kasoo baxeen,xisbiga kale ee Kulmiye.waxaana baarlamaankii noqdeen mid ay mucaaridku hogaamiyaan.

Waxaa doorasho dalka ka dhacday 2010 ,halkaaso ay tartamaayeen,sadeex horee usoo tar-tamay oo kala ahaa madaxweynihii hore ee talada ka degey iyo labadii hogaamiye mucaarid ee Ucid iyo Kulmiye,waa faysal cali waraabe iyo axmed siilaanyo.Daahir rayaale Kaahin.waxana dalka si badan Gelyo ah ugu dhacday dooraasho.taaso sababtay inay dadku kaga takhaalusaan rajiimkii wadanka taladiisa hayeey ee Udub.waxanaa sii lama filaan ah codoodkii la bixyeey into badan Helay xisbiga talaada hayaa ee Kulmiye.

Waxaa si rasmi ah madaxweyne uu noqday madaxweyne siilaanyo Halkaaso,si nabad iyo dimuquraadiyadi ku jirto ugu wareegiyeey madaxweyihii hore ee Somaliland oo hadda ay dadku ku naaneysaan ,abaha dimuquraadiyadda.waxaana uu wareejiyeey dal caafimaad qabaa ,kaaso intaa badan ay sugan yihiin xuduudihiisa,oo dhammi . Sidaas waxaa madaxweyne ku noqday axmed siilaanyo,waxaana uu soo dhisay dawlad intaa badan kaadiriintii Kulmiye aad uu salluugee,iyaaddo ay iska dhex arkii waayeen.

Hadaba aan usoo noqdo qormadan maanta aan bilownay,maanta dalka waxaa ka jiraa sadeex xisbi qaran waxaana ay sidii asxaabtu ahaan jirtay hadaa kaga duwan yihiin,laba ka mid ah xisbiyadda qaranka , ayaa leh Guoomiye iyo musharax.waa ucid iyo Kumiye. Halkaa xisbiga wadani uu yahay mid aan lahayn Gudoomiye balse xilkaasi uu dhaxeeyo musharaxa oo labadaas-baa isku darsaday.

Aan ku haoreyno madaxweynaha tallada hayaa oo hadana mar kale murashax ah,inaago sidoo kaleenna ogaan doonna sadeexdan musharax,xilalka ay soo qabteen,xisbiga wadani waxaa ka sharaxaashan hoggaamiyaha Baarlamaanka oo muddo toban sanno ah,xilkaas hayeey ,Xsbiga Kulmiye ilaayo maalintii la aasaasay waxaa hoggaamiya isla markaasnaa musharax ka ah axmed siillaanyo,halkaa xisbiga sadeexaad ee Ucid,uu yahay mid ka duwaan kuwaa kale maadaama oo isaagu uu xilkaa baneeyey,musharaxii hore oo hadaa noqday,gudoomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelkay. Waxaana uu musharaxa ka noqday aqoon yahan da” yar islaa markaasnaa kazoo shaqeeyey dalal badan oo ku yaalla adduun weynaha,Jamaal cali xuseen wali dalka kamuu qaban wax xil ah,markaa laga reebo xilkan uu ka hayo xisbiga uu sharaxaan yahay…



la socoo qaybo kale oo badan oo xiiso badan



Qalinkii

Cabdi casiis Bashiir Nuur

c.casiis98@hotmail.com

Tel :4144434

Hargeisa/Somaliland