Wasiirka waxbarshada Soomaaliya oo kormeeray qaar ka mid ah Dugsiyada Gobolka Banaadir

0
Saturday June 08, 2019 - 16:41:27 in by salman abdi
  • Visits: 310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka waxbarshada Soomaaliya oo kormeeray qaar ka mid ah Dugsiyada Gobolka Banaadir

    Wasiirka waxbarshada Soomaaliya oo kormeeray qaar ka mid ah Dugsiyada Gobolka Banaadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka waxbarshada Soomaaliya oo kormeeray qaar ka mid ah Dugsiyada Gobolka Banaadir

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta Sare  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane ; Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Kormeer ku tagay Dugsiga hoose/ dhexe iyo Sare ee Ileys Muqdisho

 

Wasiirka waxbarashada ayaa Fasal-fasal u galay qeybaha uu ka koobanyahay Dugsiga hoose/dhexe sare ee Ileys, waxa uuna kulamo laqaatay madaxda iyo mas’uuliyiinta Iskuulka,  waxa ayna warbixin ka siiyeen Dugsiga iyo sida ay u socoto waxbarashada Ardayda.

Wasiirka waxbarashada Dalka , ayaa Ardayda wax ka weydiiyay aqoontooda iyo waxa ay rajeynayaan mustaqbalka, wuxuuna u sheegay muhiimadda ay leedahay in ay wax bartaan, isagoo ku dhiiri geliyay in ay ka Mira dhaliyaan aqoontooda.

"Waxaan maanta kormeer ku tagay iskuulka Hoose dhexe sare ee ileys oo kamid ah iskuulada ku yaala Gobalka Banaadir, Waxaan kula kumay arday loo diyaarshay in mustaqbalka dhow ay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed wax taraan.

Wasiir waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in markasta Wasaaradda waxbarashada ay muhiimadda Saareyso kor u qaadista aqoonta Ardayda Soomaaliyeed.