Gabayga Gadoon Waxay Ka Soo Maaxatay Hal-Abuurad Lucky Aadan Yuusuf Cooraaf

0
Thursday October 09, 2014 - 11:45:36 in by salman abdi
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga Gadoon Waxay Ka Soo Maaxatay Hal-Abuurad Lucky Aadan Yuusuf Cooraaf

    Waxaan maanta maqlay arrin madaxayga ka waynaatay waa arin mucjiso ah waxaan maqlay in sucuudigu markan ku kacayo fal fool xun hadii ay suurto gal noqotana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan maanta maqlay arrin madaxayga ka waynaatay waa arin mucjiso ah waxaan maqlay in sucuudigu markan ku kacayo fal fool xun hadii ay suurto gal noqotana

ay dhamaan islaamku bilaa mustaqbal noqonayaan oo ay weligood gaal hoos ordayaan allo haw suurta gelin adigaa wayne

waxaan maqalay in xabaashi rasuulka cswm iyo labdii amiir ee cumar iyo abubakar laga saarayo xabaalahooda inkastoon 100% ku kalsoonahy alle swt inaanu u suurta gelinayn arinta gaalka iyo. munaafaqa muslin ku sheega ah ee ku kacaya hadana waa wax laga xumaado

1) aduunyadan gedoontee dadyohow gelinba cayn joogta

2) aduunydan gidiged wada geftee gulungulcoonaysa

3) weligay ka gabay maan lahyn oo ku geed guroe
4) ha yeeshee waxaan gaasiroo diiday garaadkaygu
5) arin iga gu .waynoo dadoow godaladeer joogay
6) wuxuu guulaheen noo alkumay waynu garab dhaafnay
7) gaal baa maqaar noo ridoo aynu daba guuray
8) geesi iyo gamaanadi islaam waa la wada gooyay
9) godaladii rasuulkiyo cswm ilaa goortan aan joogno
10) guuleheen mid caayaya oo caasiyoo gaal ah
11) ayaa goob kastaba ina guroo duub inoo xidhaye
12) geyigii islaamkana yagaa maamuulkood gal.e
13) intii aan is gurynayna dadoow gaalku talo keenye
14) gasa waa kuwii gubbayay een gurmani hayne
15) ciraaq waa kuwaa goor kastaba gaalku gelayaaye
16) siiryana waa kaa gareec geliyay gaalkiiye
17) liibiyana geesigii xukumay waa kuwii ganaye
18) tunuusiyana gocndhiyo dabuu gaalku sii sudhaye.
19) masar gelin kastaba waa kuwaa laysku gannayaaye
20) geyigeeni. soomaaliyed waa la kala goostay
21) farsamooyin gaalaa dadoow inagu gaylaamman
22) inaguna gardaranntaas al aan maynu gacan saarin
23) guryo iyo garooniyo amaan baynu gelinaaye
24) waxba gabaygu yuu il durkine waxaan ku soo gaabshay
25) gugan maanta waxaa ina dul taal garasho la.aan wayne
26) geyigii ilah doortay ee diinta gacansiiyay
27) geyigii gargaar laga sugiyo garasho toolmooni
28) maka iyo midiiniyo geyigi guule garab joogay
29) gaal baa wuxu doonayaa inuu gumeeyaaye
30) qabrigii rasuulkay cswm god kale geliya sheegene
31) halkii guulaheen geeyay bay gacan ku saydhene
32) gaal baa geduu dooni jiray gaadistaas wada e
33) goorkasaba wuxuu doonayaa inuu na gooyaaye
34) garan mayno oo iinaguna waan gelbinaynaaye
35) guuloow allhyoow adigu guusha nagu toosi
36) guulaw adaa daayin gaalka naga baaci
37) guulaw garaar noogu baaq gaalka nala ceeji
38) guulow gub gaalkiyo intii gacanta siinaysa
39) guuloow sucuudigu haduu nebiga cswm gaylgaylo
40) guuloow gamacaha. iyo ka go.o guud ahaan madaxa
41) guuloow cidii goosatee gelaysa hawshaas xun
42) gaalkiyo islaam sheegadkiyo guud ahaan cadawga
43) adigaa gargaaree raboow hooji gurigooda
44) gareecada kuwaa noo tashee nagu gefee jooga
45) iyo kuwa ku garab siinayaa gudub u soo taagan
46) guuloow adaa daaynee cidhib gub raadkooda
47) gilgil oo allow daayin naga najee gaalka
48) inta xaqa ku guuraysa ee magaca guud sheegta
49) ee hadana gantaalaha ridee gaalka garab jooga
50) guuloow adigu gebi ahaan go.y arimahooda



By lucky aadan yuusuf cooraaf

Burco Somaliland