Muqdisho:-Mareykanka Oo Mar Kale Shaaciyey Inay Xoojinayaan Hawlgallada Ammaanka Soomaaliya

0
Wednesday June 12, 2019 - 12:31:39 in by salman abdi
  • Visits: 395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Mareykanka Oo Mar Kale Shaaciyey Inay Xoojinayaan Hawlgallada Ammaanka Soomaaliya

    Mareykanka Oo Mar Kale Shaaciyey Inay Xoojinayaan Hawlgallada Ammaanka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka Oo Mar Kale Shaaciyey Inay Xoojinayaan Hawlgallada Ammaanka Soomaaliya

Ballanqaadkaasi ayaa lagu muujiyey Hadal-qoraal oo si wadajir ah looga soo saaray Kulan ay shalay Muqdisho ku yeesheen Saraakiil ka tirsan Soomaaliya, Taliyaha Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Taliyaha AFRICOM iyo Danjiraha Maraykanka waxay ballan qaadeen inay xoojin doonaan Hawlgallada Ammaanka ee lagu taageerayo Deganaanshaha Somalia iyo Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Donald Yamamoto waxa uu tilmaamay in Taageeradda ay ka geysanayaan Ammaanka Somalai inay qeyb muhiim ah ka tahay dadaalka Maraykanka ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliya lagala shaqeynayo Ammaanka iyo Nabadda dalkooda.

Waxa uu intaasi ku daray in Deganaashaha iyo Nabadda Somalia micnaheedu tahay Deganaanshaha dheeriga ee Mandiqadda Geeska Afrika iyo inay dadka Soomaalida awoodaan inay diiradda saaraan dhismaha Mustaqbal Barwaaqo ah, waasida uu hadalka u dhigay.

Boqolaal Askar Maraykan ah ayaa ku sugan Saldhigyo ku yaalla gudaha Somalia, waxayna fuliyaan Hawlgallo ay Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM kaga taageeraan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, kaasi oo bilowday sannadkii 2007-dii.