Dad loo soo xiray dil gobolka Galguduud loogu geystay Afar ruux oo u dhashay deegaannada Koonfur Galbeed

0
Monday June 17, 2019 - 11:44:06 in by salman abdi
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad loo soo xiray dil gobolka Galguduud loogu geystay Afar ruux oo u dhashay deegaannada Koonfur Galbeed

    Dad loo soo xiray dil gobolka Galguduud loogu geystay Afar ruux oo u dhashay deegaannada Koonfur Galbeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad loo soo xiray dil gobolka Galguduud loogu geystay Afar ruux oo u dhashay deegaannada Koonfur Galbeed

Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen ciidamada Nabad-sugida lagu soo qabtay dad la tuhusan yahay in ay ka danbeeyeen dil deegaan hoostaga degmada loogu geystay Afar ruux oo u dhashay deegaannada Koonfur Galbeed.

Saraakiil Amniga ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen degaanka Habaas-Weyne ay ku soo qabteen tiro maleeshiyaad ah oo ku eedeysan dilka loo geystay Afarta ruux, islamarkaana la geeyay degmada Dhuusa-Mareeb.

Howlgalkan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayeey saraakiishu sheegeen in ay heleen xog ku saabsan maleeshiyaadka gacanta lagu soo dhigay oo la tuhusan yahay in ay ahaayeen kuwii geystay dilka.

Marka laga soo tago dilka Afarta ruux waxaa ka danbeeyay dil wadareed degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug loogu geystay 9 ruux oo ka soo jeeday deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana dilkooda siweyn u cambaareeyay Golayaasha dowladda Soomaaliya, siyaasiyiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.