Ujeedada Shir Gudoomiye Faysal Cali Waraabe La Yeeshay Waxgaradka Beesha Garxjis

0
Friday June 21, 2019 - 11:40:41 in by salman abdi
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Shir Gudoomiye Faysal Cali Waraabe La Yeeshay Waxgaradka Beesha Garxjis

    Ujeedada Shir Gudoomiye Faysal Cali Waraabe La Yeeshay Waxgaradka Beesha Garxjis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedada Shir Gudoomiye Faysal Cali Waraabe La Yeeshay Waxgaradka Beesha Garxjis

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali ayaa Caawa Kulan Qaatay Qoorweynta Beesha GarxajisSi Loo Dardar Geliyo Shirka Turxaan Bixinta Beelaha Habarjeclo Iyo Garxajis.


Shirkan oo caawa ka qabsoomay Ambassador hotel ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhamaan haldoorka iyo inta la majeerto ee beesha Garxajis

 

Sida Ganscsato, Salaadiin, Ugaasyo, Caaqillo, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo Waxgarad farabadan shirka ayaa bogaadin iyo taageero mug leh u muujinayey shirweynaha beelaha Garxajis Iyo Habarjeclo oo si rasmi ah uga furmaya magaalada Burco dhawaan.

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa gabagabadii shirka sheegay in uu beelaha kale ee Somaliland la qaadan doono shirar kale oo noocan oo kale aha oo layskugu soo dhawaynayo gabi ahaan Beelaha Somaliland.

 

Hadafka iyo ujeeddada shirkani waa walaalnimo, nabad kuwada noolaansho, midnimo, caddaalad iyo horumar sidii loo gaadhi lahaa