Masuuliyiinta Ka Tirsan Xukuumada Oo Hay'adda Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Saxaafadu Wax Ka Waydiisay Xidhitaanka Labada Telefishan

0
Saturday June 22, 2019 - 13:00:08 in by salman abdi
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Ka Tirsan Xukuumada Oo Hay'adda Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Saxaafadu Wax Ka Waydiisay Xidhitaanka Labada Telefishan

    Masuuliyiinta Ka Tirsan Xukuumada Oo Hay'adda Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Saxaafadu Wax Ka Waydiisay Xidhitaanka Labada Telefishan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta Ka Tirsan Xukuumada Oo Hay'adda Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Saxaafadu Wax Ka Waydiisay Xidhitaanka Labada Telefishan

Hay’adda caalamiga ah ee ilaalinta saxaafada ayaa ka hadashay talaabada ay xukuumada somaliland albaabada iskugu dhufatay qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha somaliland.

Hay’adda ilaalinta saxaafada oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa warbixin ay kaga hadashay xadhiga labada telefishan ee ay xukuumada somaliland albaabada iskugu dhufatay waxay ku sheegtay in masuuliyiinta ay arintani khusaysaa ay ka gaabsadeen inay warbixin ka siiyaan.

 

Hay’adda ilaalinta saxaafada ayaa sheegtay in wasiirka warfaafinta uu ka soo jawaabi waayey fariin ay u direen halka agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo ay xidhiidh la sameeyeen ku wargeliyey inuu shirk u jiro isla markaana uu la soo xidhiidhi doono inkasta oo uu markii dambe ka jawaabi waayey telefankiisa.


 

 

Sidoo kale hay’adda ilaalinta saxaafada ayaa sheegtay in taliye u xigeenka ciidamada booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle uu u sheegay inaanu wax buuxda ka hayn xidhitaanka labada telefishan balse uu maqlay xidhitaankooda.

Hay’adda ilaalinta saxaafada ayaa sidoo kale sheegtay in taliyaha ciidamada boolisku oo ay xidhiidh la sameeyeen aanay helin ka dib markii uu telefankiisu bakhtiisnaa.