Gabadh 17-ah Una Ololeysa Waxbarasha Haweenka Oo Ku Guulaysatay Bilada Nabada Adduunka Ee Nobel Peace Prize.

0
Friday October 10, 2014 - 22:30:03 in by salman abdi
  • Visits: 1150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh 17-ah Una Ololeysa Waxbarasha Haweenka Oo Ku Guulaysatay Bilada Nabada Adduunka Ee Nobel Peace Prize.

    Malala Yousufzai iyo Kailash Satyarthi, ayaa ku guulaystay Abaal Marinta Caalamiga ah ee NabadaNobel Peace Prize.Malala oo ah Gabadh 17 jir ah ayaa u dhalatay wadanka Pakistan, waxaanay u Ololaysaa Waxbarashada Gabadhaha. Daalibaan ayaa sanadkii 2012

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malala Yousufzai iyo Kailash Satyarthi, ayaa ku guulaystay Abaal Marinta Caalamiga ah ee NabadaNobel Peace Prize.Malala oo ah Gabadh 17 jir ah ayaa u dhalatay wadanka Pakistan, waxaanay u Ololaysaa Waxbarashada Gabadhaha. Daalibaan ayaa sanadkii 2012-ka madaxa ka toogtay Malala, iyadoo u Ololaynaysa Waxbarashada Gabdhaha.



Kailash Satyarthi oo 60 jir ah ayaa isna u dhashay dalka Hindiya, waxaanu u Ololeeyaa Caruurta Lagu shaqaysto. Waxa uu hogaamiyay Banaanbaxyo badan oo lagaga soo horjeesto Caruurta lagu shaqaysto, iyadoo qaar badana ku badbaadeen Ololihiisa iyo dadaalka uu u Galay. waxa uu sidoo kale badbaadiyay tobanaan kun oo Caruur la gumaysan jiray ah, isagoo u sameeyay mustaq bal waxbarasho iyo inay Nolol fiican ku noolaadaan.

Guddida Bixinaysa Abaalmarinta Nabada ee Caalamiga ah ayaa sheegay inay ku mutaysteen dadaalka iyo halganka ay u galeen Xuquuqda Caruurta iyo gargaarka ay u fidiyeen Caruur la cabudhinayay.

"Caruurtu waa inay Dugsiyada Aadan oo aan Dhaqaale lagu lunsan,siiba meelaha dagaaladu halakeeyeen. Dhibaatooyinka Caruurta oo sii socdaa waxay horseedaysaa dagaal Jiilba Jiil u soo gudbiyo” ayay guddidu ku tidhi farriin ay diraysay.



Contact@afkashacabka.com