Shirka shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

0
Monday July 08, 2019 - 21:53:09 in by salman abdi
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

    Shirka shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Raiisul wasaare ku-xigeynka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaan maanta magaalada Muqdisho ka daah furay shirweynihii Shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya.

 

Daahfurka shirweynaha waxbarashada dalka waxaa joob joog ka ahaa, wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka caafimaadka, wasiir ku xigeenno,Safiirro, Deeq bixiyaal caalami ah, Agaasimayaal iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay, xoojinta nidaamka waxbarashada Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa adeeg wax barasho oo dhameys tiran.

Raiisul wasaare ku-xigeenka ,Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay muhiimadda horumarinta waxbarashada Dalka, wuxuuna madaxda wasaaradda ku ammaanay horumarinta waxbarashada iyo dhameys tirka manjah wax tar leh.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay shirweynaha Shanaad ee dib u eegista wax barashada Dalka iyo qorshaha u degsan wasaaradda,

"Waxaa Maanta si rasmi ah noogu furmay shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista waxbarashada Soomaaliya oo socon doona muddo Laba Maalmood ah, isla markaana lagu eegi doono waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay wasaaradda."ayuu yiri Wasiir Goodax.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradda wax barashada Soomaaliya iyo waxyaabaha dhameys tirka u baahan.