Somaliland: Shidaalka Nooca Baatroolka Oo Qiimihiisu Kor Ukacay

0
Monday July 22, 2019 - 13:12:49 in by salman abdi
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Shidaalka Nooca Baatroolka Oo Qiimihiisu Kor Ukacay

    Somaliland: Shidaalka Nooca Baatroolka Oo Qiimihiisu Kor Ukacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Shidaalka Nooca Baatroolka Oo Qiimihiisu Kor Ukacay

Shirkadahawadanka shidaalka Keenaoo aanu qaarkood la xidhiidhnay masuuliyiintooda ayaa Shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyay in Kor ukacan Qiimaha ShidaalkaKhaasatan batroolka u sababaykala Go ku Yimid Shidaalkii wadanka Immanjiray, iyagoo sababtana ku sheegay in tangaradiishidaalkakeeni jirayxiligii qorshahu ahaa ay dib uga dhaceen , waxaana la filayaa ayay yidhahdeenbishan julaay 25in uu iman doono shidaalka ugu horeeyaa.

 

Qimaha foostada batroolka ah ayaa awal ahayd $138 illaa $140,Halka uu qiimuhu gaadhay 147 illaa 150 doolar,shidaalka laga soo iibsadao Hamaha ee shirkadahu leeyihiin, iyadoo wararka qaarkoodna tibaaxayaan in 160 doolar ay gaadhay foostada batroolka ah.

 

Kaalamha Berbera ayaana litirkii ku iibiya xiligan 7600 oo Somaliland shilling ah halka uu labo wiig ka hor ahaa halka litir 6800 somaliland shilling.magaalooyinka qaarkood sida Burco halkii litir wuxuu gadhay 8500 somaliland shilig ah.

 

 

Naaftada ayaan qiimaheedu kicin oo halkii foosto waxaa lagaga soo iibsada hamaha shidaalka 116 illaa 118 doolar

 

Dhanka kale Mid kamida Mulkiilayasha kalamha shidaalka Berbera ayaasheegay in masuuliyiinta dawlada e haamaha shidaalkusi wanaagsan ay u maamuleen una qorsheeyeen shidaalka kaydka ah ee ku jira haamahaBerberawaxaanay kaantarooleeniibkii kaalmaha ee shidaalkaiyadoo kaalintiiba loo ogol yahay in ay maalintii qaadato 10 foosto oo batroola, Arinkan ayaanawax badan hoos u dhigay qiimihii cirkaisku shareeri lahaa maadama kaalin walibaay heshay batrool aay iibiso.

 

Inta badan shirkadaha shidaalka keena Somalilandisku qiimo maaha oo shirkad waliba qiimaha ay kusoo hesho shidaalkaayay ku jartaa sicir kiisa, waxaana dhacda marka qul qulatooyin ay ka dhacaan bariga dhexe iyo wadmada khaliijkabainta badan qiimaha shidaalku kor ayuu u kacaa waxaana laga yaabaa xasarada ka dhex oogan maraykanka iyo jamhuuriyada Iiraan in ay keento ganacsiga ooyaraada dhinckastabakhaasatanshidaalkaoo daruurika noqday dunida casriga ah.


Guud ahaana magaalooyinka Somaliland ayaalaga dareemayaa kor ukaca kuyimd shidaalka , gaar ahaan Baatroolka.