Maraykanka oo kasii diyaar garoobay gantaalada halista ah ee Ruushka

0
Friday August 02, 2019 - 12:14:55 in by salman abdi
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo kasii diyaar garoobay gantaalada halista ah ee Ruushka

    Maraykanka oo kasii diyaar garoobay gantaalada halista ah ee Ruushka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka oo kasii diyaar garoobay gantaalada halista ah ee Ruushka

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah uga baxday heshiiskii gantaalada ridada gaaban ee ay kula jirtay Ruushka, kadib markii Ruushka lagu eedeeyay in ay gantaaladaasi u samaysanayso si qarsoodi ah.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynihii Maraykanka Ronald Reagan iyo hoggaamiyihii Soviet-ka Mikhail Gorbachev sannadkii 1987-dii, waxaana gebi ahaanba lagu mamnuucay gantaalada ridada gaaban ee gaaraya 5 boqol illaa 5 kun oo kiilo mitir.

Maraykanka waxa uu sheegayaa in ay hayaan caddeymo saabsan gantaalada uu Ruushka samaysanayo oo noo yaqaano SSC-8.

Markii madaxweyne Trump uu sannadkan horaantiis waqti u qabtay Ruushka in ay joojiyaan samaynta gantaaladaas, ayuu madaxweynaha Ruushka sheegay in ay gebi ahaanba isaga baxayaan heshiiska,

Maanta ayay ku ekeyd waqtigii loo qabtay.

SSC-8/9M729Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image caption9M729

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka deyriyay xiisadda labada dal ka dhex taagan, wuxuuna sheegay in burburka heshiiska uu ka dhiganyahay in la samaysan doono hubkan halistiisu badantahay.

Dhibka ugu weyn ee gantaaladan lagu qabo ayaa ah in ay yihiin kuwa xambaari kara hubka niyuukleerka ee halista ah, kuwaas oo ay adagtahay in la ogaan karo marka lasoo rido, waxayna caasimadaha Yurub ku gaari karaan muddo yar oo daqiiqado ah.

Xoghayaha Gaashaanbuurta NATO oo Maraykanka ku moowqif ah ayaa sheegay in jawaabta NATO ee arrintan ay soo bixi doonto mardhow.

Mikhail Gorbachev iyo Ronald Reagan oo saxiixaya heshiiska 1987Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMikhail Gorbachev iyo Ronald Reagan oo saxiixaya heshiiska 1987

Heshiiskan oo kaliya ma ahan kan halista ku jira, ee waxaa kale oo jira heshiisyo kale oo koontaroolka hubka ah oo iyagana uu soo dhowyahay waqtigii ay dhacayeen, lagana yaabo in aysan shaqaynin. waxaa ka mid ah heshiiska gantaalada riddada dheer ee niyuukleerka oo waqtigiisa dhici doono sannadka 2021-da.

Dalalka reer galbeedka ayaa aad uga walwal qaba awoodda sii kordhaysa ee Ruushka.