"Waxaan Ugu Baaqayaa Dhalinyarada Somaliland Inay Qabayaalada Ka Xoroobaan" Gudomiye Axmed Shaqale

0
Monday October 13, 2014 - 15:59:24 in by salman abdi
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Ugu Baaqayaa Dhalinyarada Somaliland Inay Qabayaalada Ka Xoroobaan" Gudomiye Axmed Shaqale

    Guddoomiyaha ururka horumarinta iyo cilmi Somaliland ee SODRA Axmed Maxamed Shaqalle ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay ka hor tagaan Qabyaalada, isla markaana ka shaqeeyaan horumarinta wadanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha ururka horumarinta iyo cilmi Somaliland ee SODRA Axmed Maxamed Shaqalle ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay ka hor tagaan Qabyaalada, isla markaana ka shaqeeyaan horumarinta wadanka.

Guddoomiyaha oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa
waxa uu wax laga yakh yakhsoodo ku tilmaamay shir beeleed dhalinyaro
sheegtay inay Cadaadley ku qabanayaan, isaga oo sheegay inaanay
haboonayn inay dhalinyaradu dalka dib u celiyaan labaatan sano.
Guddoomiye shaqalle oo ugu horeyn ka hadlaya wax qabadka ururka SODRA
ayaa waxa uu yidhi "Waxaan doonayaa inaan ka hadlo laba qodob oo kala
ah wax qabadka Ururka aan guddoomiyaha ka ahay ee SODRA afartii sano
ee uu jiray iyo iska xoraynta dhalinyarada ee dhibaatooyinka qaar
haysta iyaga oo xaga wanaagsan ka eegaya oo ay ka mid yihiin
qabyaalada, balwadaha iyo tahriibku.

Wax qabadka ururka haddii aan ku horeeyo ururka SODRA waxa uu u taagan
yahay horumarinta iyo cilmi baadhista lagu samaynayo caqabadaha qaar
haysta bulshada Somaliland, sida magaciisa ka muuqata waxa uu ka
kooban yahay laba qaybood oo waaweyn, waxaanay waaxda koowaad tahay
horumarin iyo waaxda labaad oo ah cilmi baadhis, waxaanu ku dedaalaa
horumarinta bulshadiisa qaybaheeda kala duwan, isaga oo isku daya
wixii horumara sida inuu u keeno fursado ka duwan fursadihii hore ee
ay bulshadu heli jirtay ta ugu weyn ee aanu ku guulaysanay marka aanu
xaga horumarka ka shaqaynaynay waxa weeyaan sanadkii 2012-kii bishii
sagaalaad ayaa waxa aanu keenay fikir ah fursad siinta ardeyda qaar
jaamacadaha galahaysa laga taageerayo dhinaca waxbarashada, isaga oo
kaashanaya qurbojooga Somaliland ee qaaradaha Ameerika iyo Yurub,
iyada oo aan uga mahad naqayo sida fiican ee ay uga qayb qaataan iyo
jaamacadaha wadanka ku yaala gaar ahaan Hargeysa oo iska kaashaday in
ardey dhan laba boqol iyo todoba ardey ka bixiyaan Fiiga boqolkiiba
afartan, taasi oo dhiirigalinaysa wiilkii ama gabadhii dhalinyarada
ahaa ee aanay waalidkoodu awoodayn inay Jaamacadaha galaan”.
Guddoomiyaha SODRA oo sharaxaya sababta ay u aas aaseen ururka ayaa
waxa uu yidhi "Ujeedada aanu ururka u aas aasnay waxa ay ahayd aanu
dhalinyarada tusno in ururku u aas aasan yahay horumarinta Somaliland
kana midho dhalinayo taasi oo aanu ku boorinayno inay ururada kale ee
ujeedadii loo aas aasay ka baydhay ay ku soo noqdaan ujeedada ay u aas
aasan yihiin, isla markaana ururada bulshada iyo horumarinta dalka ka
shaqeeyaa ay shaqayn karaan iyaga oo aan Hay’ad shaqadooda u
curyaamin”.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi "Waddan kasta waxa
laga eegaa sida uu horumarkiiisu yahay kolba dhalinyarada dalku halka
ay taagan tahay, maanta waan ku faanayaa in dhalinyarada Somaliland
horumar balaadhan sameeyeen, waxaan u mahad naqayaa xukuumadda
Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud
(Siillaanyo), waxaan ku faraxsanahay is bedelkii aanu hormuudka u
ahayn inaanu ka faa’iidaysanay, Nabiguna (NNKH), xadiis waxa uu ku
yidhi "Qofka aan dadka u mahad naqina ILAAHEY-na (SW), uma mahad naqo,
waxa aan ku faraxsanahay in aan ahay dhalinyarta ka faa’iidaysatay
fursada ay siisay xukuumaddu dhalinyarada”.
Guddoomiyaha SODRA, Axmed Maxamed Shaqalle oo dhalinyaradda Somaliland
dar daaran siinaya ayaa waxa uu yidhi "Dhalinyarada Somaliland waxa
aan jecelahay in aan dar daaran kooban siiyo sida aan naftayda ula
jecelahay horumarka ayaan naftiina ula jecelahay horumarka, waxaanan
idiin sheegayaa maanta haddii aynu ka xorowno sadex cudur oo aad
inoogu badan inaynu la tartami karno dhalinyarada kale ee dunida,
maanta sadexda cudur ee aadka inoogu badan haddii aynu nahay
dhalinyarada reer Somaliland waxa kow ka ah qabyaalada waana cudurka
ugu weyn ee dhalinyarada haysta aniga oo taa qabyaalada dul istaagaya
ayuu abwaankii qiimaha badnaa ee Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde,
waxa uu yidhi Dugsi ma leh qabyaaladi waxa ay dumiso mooyaane, waxaan
ugu baaqayaa dhalinyarada Somaliland inay qabayaalada ka xoroobaan,
waxaanan maalmahan ugu dambeeyey maqalayay dhalinyaro badan oo reer
Somaliland ah oo magaca dhalinayrada Somaliland intay sheegtaan ku
baaqayey shir beeleed aadban runtii uga xumahay, waxa is weydiin mudan
oo qof kastaa is weydiinayaa dhalinyaradaa ururisay xoolaha ee tidhi
waxaanu qabanaynaa shir dhalinyarada Somaliland ah yaa u dirsaday
inay shirka qabtaan anigu waxaan ka mid ahay dhalinyarada Somaliland
afkayga kuma hadli karaan laakiin waxa ay ku hadli karaan af ay
leeyihiin, markaa dhalinyarada Somaliland iyaga oo cidi u dirsan iyaga
oo ogolaansho haysan, iyaga oo aan la ogayn ajanadaha lagaga hadlayo
inay magicii dhalinyarta sheegtaan aadbaan uga xumahay, waxaan kula
dar daarmayaa inay dariiqa saxda ah ku soo noqdaan oo inaga daaya
qabyaalada iyo dib u noqoshada, inaad wadankiina wax u qabataan waan
jecelahay, laakiin wixii aynu ka soo gudubnay labaatan sano inaad dib
inoogu celisaan oo shir beeleed baan qabanaynaa tidhaahdaan waa wax
aad looga yakh yakhsoodo, waxaan ugu baqayaa nin kasta oo muwaadin ah
oo dhalinyaro ah oo qiime iyo wadaniyad leh oo dadkiisa iyo dalkiisa
doonaya inuu wax u qabto fadlan ka hor taga cudurka qabyaalada”.

by: axmed shaqale
hargeysa /somaliland