Faallaynta iyo farshaxanka Ubaxle Q1aad MAANSADA CUSUB EE XOG- SHEEG

0
Tuesday October 14, 2014 - 08:46:43 in by salman abdi
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallaynta iyo farshaxanka Ubaxle Q1aad MAANSADA CUSUB EE XOG- SHEEG

    Maansadan cusub oo dhawaan soo baxday. waxaa curiyey Hal- abuurka Cabqariga ah ee Cabdiraxman M. Cali Ubaxle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan cusub oo dhawaan soo baxday. waxaa curiyey Hal- abuurka Cabqariga ah ee Cabdiraxman M. Cali Ubaxle.

Faallaynta iyo farshaxanka Ubaxle Q1aad MAANSADA CUSUB EE XOG- SHEEG

Hadday wajigiina xiirtay

Hadday xaajiga kabaysay

Hadday xumihii ku baaqday

Hadday xadhig kuu maleegtay

Hadday marna kula xadraysay

Maansadu waa badwayn iyo bandhig murtiyeed caalami ah oo aan sharax iyo faallo lagaga bogan Karin, lagana gayoonayn. Markaad eegto dhinacyada kala duwan ee dhiiri galinta,dhab-sheega,iyo dheelli-tirka,murtida iyo miisaanka dhaxal galka ku aroora, waxay ina dhax qaadsiinaysaa waayaha iyo wakhtiga isdaba taxan,Waxayna inagu darandooriyaysaa hogga tus xeel dheer iyo xog-warran ay inagu taabsiinayso xaaladda dhabta ah ee manta lagu jiro. Bal aan ararta ku dhandhansiiyo adaa sii dhex qaadiye.

Tixdiyo arartiyo xulkeeda

Habkiyo xeerkiyo shinkeeda

Haddaan xoorkiyo liskeeda

Xogtiyo maansada runteeda

Hoggiyo xeeshiyo dhextaalka

Xarfaha quruxdiyo dhigaalka

Xubnaha luuqdiyo dhawaaqa

Murtida xirfadiyo hannaanka

Haddaan galo xulantideeda

Meerisyadan hoose waxay inoo iftiiminayaan kana ifafaale bixinaysaa adduunyada eeggan iyo sida ay daba goosiga u tahay iyo waliba  sida aan looga dareen qabin .xanuunnada midba mid kadarnyahay  hawgu sii darnaado aafada cudurka ebola,Haddaan yar dul istaago EbolaWaxuu ka dilaacay  markii ugu horreysay lagu  arkay dalal ay kamid tahay  suudaan hillaadii 1976 Wuxuuse  Soo ifbaxay cudurka Ebola bishii Maarso  2014 kadib markii lagu arkay kana  dillaacay dalka Gini.

Markii ugu horaysayba cudurkan waxaa u dhintay 53% wuxuu saameeyey tiro gaadhaysa 285 oo qof, markii labaad wuxuu ka qarxay dalka koongo wuxuuna saameeyey dad gaadhaya 318 qof dhimashadana waxaa lagu qiyaasay ilaa 88 qof,Markii saddexaad waxaa loo aqoonsaday firuskan sababa cudurkan kadib markii daanyeero qaba laga dhoofiyey dalka Philippines lana keenay deegaanka vir ginia ee dalka maraykanka

Sikastaba ha ahaate aafada cudurkani waa mid kawareerisay adduunka oo dhan Laga soo billaabo markii uu uu cudurku dillaacay, feyrasku waxa uu ku faafay dalalka Laaybeeriya iyo Siiralyoon. Dillaaca cudurkan waa kii ugu ba’naa taariikhda la hayo marka laga eego xagga xaaladaha tirada dadka ee u li’anaya iyo baqaha laga qabo. Sidoo kale xiisadaha dunida ka taagan,sida jabhada iyo ururada adduunku la dawakhay sida isis,al shabaab,al qaacida,ansaaru shareecah,book xaraam, xamaas,iyo kuwa kale oo badan

Markaan xaalkeena fiirshey,

Xagwalba dunidii ka eegay

Adduunyadu xoorid weeye

Abaar iyo xaaluf weeye

Xanuun iyo gaajo weeye

Xumaan iyo faasiq weeye

Xatooyiyo tuugo weeye

Dagaal iyo xiisad weeye

Xabaallihii baa hadlaaya

Xilligii suurkaa dhawaaday

Xarrago dirir waa la dhaafay

Xidhbay fari kulla xushaaye

Xag kale aan kuu kaxeeyo

Maansadu waxay kaloo ka xog bixinaysaa dhacdooyin is dabataxan iyo xiisado soo noqnoqday oo dalka ka jira.  Raaba qaadka  xanuunka siyaasadda ee dabayshiisii dib u bilaabantay iyo sida nin waliba xigtii iyo xaafadiisiiba xero ugu ootay,

Dharaar walba xaalad taagan

Xajiin iyo dhiig ladaadsho

Xisbiyo urur laysku haysto

Xilaan loo kala hadhaynin

Xin iyo xaafado is shiida

Xamaasadda laysku laayo

Xanuun iyo cudur la faafsho

Haddaan xeer loo samaynin

Xuduuddana layska dhaafo

Xalwaara haddaan laraadin

Xaqiiqdana laysu sheegin

Miyaan xoolaha kaliidan?!!.

Xidhbay fari kulla xushaaye

Xag kale aan kuu kaxeeyo;

Waxay meerisyadan kale daaha karogaysaa habdhaqanka laba wajiilaha ah ee  reer galbeedka iyo sida ay adduunka  ugu xadgudbeen una  majara habaabiyeen . Iyagoo ku doodaya in xaquuqda aadamaha ilaalinayaan caruurta iyo haweenkana udoodayaan.

 Haddana ilmihii Qasa gantaalaha ku eegaya. Dumarkii iyo maxastiina hubka ku garaacaya.  Cid dar xumada hoy la’aanta, waxbarasho, caafimaad iyo daryeel ugu gurmatayna aanay jirin iyo sida islaamka loogu soo duulay ee meel walba loogu tun jileecsaday,iyo sida ay war mooga u yihiin iyagiina xabadda laysugu dhiibay.

Xornimo waa lagu dhashaaye

Kuwaa xornimada ku baaqa

Xaquuqul insaanka sheegta

Haddana dunidaba xasuuqa

Awood iyo xoog u sheegtay

Xaquuqda caruurta laysa

Xuskoodana maalin siisay;

Xaquuqda haweenka aasta

Xaqoodana raadinaysa;

Xaquuqda Dameer u taagan

Haddana dadka aan xishmaynin;

Adduunyada xigashadeeda

Xuduudahan loo sameeyey

Haddaan xaashe run moodo

Miyaan xoolaha kaliidan?!!.

Meerisyada murtida iyo miidu da ayso ayaa waxay ina farayaan inaan qofkii xumaan iyo arin aan loo meeldayin oo sax ahayn kuula yimada aan layka daba roorin layskana raacin  iyadaan laga fiirsan hadduu qaldanyahayna qaladkiisa la tusin,

Anoo xiddigaha maraaya

Xabaasha haddaan isgeeyo

Qof qudhi igu xeelad guuro

Ninkii  xumo iigu baaqa

Xaqaba anigoon u sheegin

Haddaan xumihii ku raaco

miyaan xoolaha kaliidan?!!.

Meerisyadan kale ee xulka ah waxay inooga digayaan  masiiba wayn iyo marka qofku hawadiisa iska raaco ama uu ilba nimada ilbaxnimo moodo,  dhalanteedkana  dhab u qaato oo ka dheeraado iskana wayneeyo dhaqan iyo diinba,kuna daydo cid aanay isku mabda iyo aragti toona noqon Karin oo ka dhacsan nolosha oo dhan,

Korkayga intaan xaraasho

Intaan dhaqankayga xooro

Xashiishada ruux cabbaaya

Xaqdhawrkana aan aqoonin

Xishoodkana meel ku tuuray

Intaan kaligii xigtaysto

Intaan xabagtana la nuugo

Haddaan xaragiyo dan moodo

Xashiishkana aan dhex seexdo

Miyaan xoolaha kaliidan?.

Markale iyo hal-abuurku  inagu baraarujinayaa inaguna tusaalaynayaa sida ay u kala aragti fogyihiin una kala dheeryihiin, nin xero ku oodan iyo nin dadkiiba dareersaday oo nin qabiil ku dholola iyo nin qaran ku dhaata oo yay fartu ku godantahay mayee waa arin inawada khusaysa adba ila dhugo.

Anoo sida xeedha buuxda

Dadkoo dhami iigu xoomo

Haddaan xayndaab ka doorto

Qabyaaladi waa xeruune

Haddii xero laygu ooto

Miyaan xoolaha kaliidan?!!.

Xidhbay fari kulla xushaaye

Xag kale aan kuu kaxeeyo;

Meerisyadanina waxay muujinayaan siyaasad xumada dalka kajirta iyo dhaqamada siyaasi,hogaamiye,iyo madaxda aynu dooranay , ee inaga xaabxaabsaday xabaddana inagu hor joogsaday si midwaliba uu xil ugu kasbado ama danihiisa ugu fushado magacyada  qabiilka, dhalinyarada  iyo haweenka ee lagu qudhaabsado lana dardar galiyo marka loollanka iyo ololaha lagu jiro hadhawna dabayl looga cararo,sida aanay isu lahayn afkooda iyo uurkoodu ee midba mid haadaan uga talaabsanyo haddana isaga dhigayo nasteexiisii iyo garabkii kale ahaa ee isga la jaal ahaa.

Hadday tahay xaasid xaasid

Xabbadda aan kugu hor joogo

Intaan xilka kugu helaayo

Hadday aragtidu xumaatay

Hadday maqalkii xanjaysay

Hadday xaaraan jidaysay

Hadday wajigiina xiirtay

Hadday xaajiga kabaysay

Hadday xumihii ku baaqday

Hadday xadhig kuu maleegtay

Hadday marna kula xadraysay

Siyaasadda xarakaddeedu

Xaqiiq iyo aamin beeshay.

Xidhbay fari kulla xushaaye

Xag kale aan kuu kaxeeyo;

Murtaa tidhi "xaajo tuurleh

Ninbaa dhaha waa xariire

Afkiisa xidhaan xujoobin”

Waxaan nolol loo xad dhaafin

Adduunyadu waa xawaare;

Waxaan xaqa looga waaban

Xaqiiqadu waa run sheegga;
Waxaan xumo loogu dhiirran
Xabaalbaa ina sugaysa;

Waxaan been loogu xoogsan

Xisaabaa naga horraysa;

Waxaan balo loogu xiisin

Xadaaradu waa wanaaga;

Waxaan xilkas looga maarmin

Xurmadu waa kala danbaynta;

Waxaan xilgab loo amaanin

Waxaan jirin xeer qoraaya;

Waxaan xaaran la raadsan

Xalaasha adoo helaaya;

Waxaan hadal loogu xiiqin

Xigmadi waa aamusnaanta.

Xidhbay fari kulla xushaaye

Xag kale aan kuu kaxeeyo;

Maraykanka xulafadiisu

Waxay u xishaan yuhuuda

Islaamka xarbiga ku oogan

Sidii laysugu xasuuqay

Sidii loo kala xidhmeeyey

Xantoobada loogu boobye

Xogtooday moogyihiine

Halkay xaaladi marayso

Xaqiiqda adaa hayuune

Rabow falastiin xogteeda

Rabaw masar iyo xerteeda

Baqdaad iyo xaaladeeda

Rabow suuriya xaqeeda

Rabow liibiya xalkeeda

Rabow xamar iyo dalkeeda

Rabaw xarumaha islaamka

Rabow xulafada maraykan

Rabow ka xoree yuhuuda

Rabow diintaada xooji

Rabow xaqa noogu hiili.



                        BY.DUUG-REEB