Maxay booliisku ka yiraahdeen weerarkii masaajidka

0
Monday August 12, 2019 - 09:02:28 in by salman abdi
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay booliisku ka yiraahdeen weerarkii masaajidka

    Maxay booliisku ka yiraahdeen weerarkii masaajidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay booliisku ka yiraahdeen weerarkii masaajidka

Booliiska Norway ayaa sheegay in laga yaabo in toogashadii ka dhacday masaajid ku yaalla dalkaasi ay tahay fal argagixisannimo.

Nin hubaysan ayaa shalay rasaas ku furay masaajidka Al-Noor Islamic Centre, oo ku yaalla duleedka magaalada Oslo.

Qof masaajidka ku jiray ayaa qabtay oo ka xoog badiyay ninkii hubeysnaa oo markii dambe dhaawac uu soo gaaray.

Booliiska ayaa sidoo kale ninkan ku eedeeyay fal dil kaddib markii meydka walaashiis oo 17-sano-jir ahayd laga helay meel kale.

"Waxaan uga shakisanahay in uu dil gaystay, qofka dhintay waxay ehel yihiin ninkii aan hory u xirnay ," ayuu yiri.

Booliiska Norway ayaa waxay sidoo kale sheegeen in ninka weerarka ku qaaday Misaajidka uu kaligii ku ahaa weerarkan.

Agaasimaha Misaajidka la weeraray ayaa u sheegay saxaafadda maxaliga ah in halka qof ee weerarka ku dhaawacmay uu yahay nin 75 jira ah oo ka mid ahaa jamaacada Misaajidka.

"Mid ka mid ah jameecadeena ayaa waxaa toogtay nin caddaan ah oo xiran koofiyaad iyo dariis," waxaa sidaasi u sheegay wargayska Budstikka Mr Irfan Mushtaq.

Norway Mosque AttackLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionNinka laga shakisan yahay ayaa laga awood batay kaddib markii uu masaajidka galay

Maxaan ka ognahay ninka laga shakisan yahay?

Ninkan laga shakisan yahay ayaan weli carrabaabin, balse booliiska ayaa ku sheegay inuu yahay caddaan u dhashay Norway, qiyaastiina 20 jir ah.

Waxaa la sheegay inuu ka soo jeedo magaalada uu weerarka masaajidka ka dhacay ee Baerum.