Sannad-guuradii 35aad ee Aas- aaska Ururka ONLF ayaa maanta laga xusay Jigjiga

0
Thursday August 15, 2019 - 20:01:46 in by salman abdi
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sannad-guuradii 35aad ee Aas- aaska Ururka ONLF ayaa maanta laga xusay Jigjiga

    Sannad-guuradii 35aad ee Aas- aaska Ururka ONLF ayaa maanta laga xusay Jigjiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannad-guuradii 35aad ee Aas- aaska Ururka ONLF ayaa maanta laga xusay Jigjiga

Waxaa maanta magaalada Jigjiga lagu xusay sannad guuradii 35aad ee Aas-aaska Ururka ONLF, xuskan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga.

 

 

Haddaba xuskan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda ONLF, Madaxda u saraysa DDS, Odayaal dhaqameedka iyo waxgaradka degaanka iyo Shacabka qaybihiisa kale duwan.

Xuskan ayaa waxaa khudbado kasoo jeediyay Madaxda Ururka ONLF, iyagoo sheegay in halgankii uu Ururku soo waday ee qoriga ahaa ku badaleen mid qalin ah halkiisiina uu kasii socon doono iyagoo si nabadgalyo ah u wadaya halganka.

ONLF ayaa muddo dheer usoo dagaallamayay Xoreynta dhulka Soomaalidu degto ee bariga Itoobiya, oo ay rabeen in Itoobiyada kale ka go'aan. waxayna hadda kadib u halgami doonaan qaab Xisbi oo gali doona doorashada soo socota. waxayna Xafiisyo ka furteen dhammaan gobollada degaanka iyo caasimadda dalka ee Addis Ababa.

Ururka ONLF oo lagu xanto inay hal qabiil u badan yihiin ayaa hadana waxay u halgamaan guud ahaan dadka Degaanka Soomaalida deggan.

Xuskan 35aad ee Aas-aaska ONLF ayaa maanta laga wada xusay gobollada degaanka iyo dibadda oo ay joogaan taageerayaasha ONLF