Markabkii muranka dhaliyay ee Iiraan oo u jiheystay dhinaca Turkiga

0
Sunday August 25, 2019 - 08:54:59 in by salman abdi
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markabkii muranka dhaliyay ee Iiraan oo u jiheystay dhinaca Turkiga

    Markabkii muranka dhaliyay ee Iiraan oo u jiheystay dhinaca Turkiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markabkii muranka dhaliyay ee Iiraan oo u jiheystay dhinaca Turkiga

Markab ay leedahay Iiraan oo xiisad weyn ka dhex abuuray xukuumadaha Tehran iyo Washington ayaa lagu soo warramay inuu baddalay halkii uu u socday, isagoo hadda u jiheystay dalka Turkiga, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Safarka markabka ayaa markii hore laga warhayay inuu ku wajahnaa koonfurta waddanka Giriigga, balse waxaa dhacay isbaddal aan laga sii warqabin, sida lagu muujiyay xog uu maanta oo Sabti ah soo saaay qalabka lagula socday xaaladdiisa.

Bog ay internet-ka ku leeyihiin Ciidamada ilaalada badaha ayaa lagu soo bandhigay sheekada lama filaanka ah ee ku saabsan markabka muranka dhaliyay.

Adrian Darya oo horay loogu yaqaannay Grace 1, ayaa dhawaan la fasaxay ka dib markii muddo 5 isbuuc ah la xannibayay.

Muranka oo ayaa ka dhashay in markabkan uu saliidda Iiraan u waday dalka Suuriya, tallaabadaas oo xad gudub ku ah cunaqabateynta dhaqaalaha ee ay dalalka Midowga Yurub ku soo rogeen waddanka Iiraan bartamihii bishan Agoosto.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in markabkaas ay maamulaan ciidamada kacaanka Iiraan, kuwaasoo oo ay Washington u aqoonsan tahay urur argagixiso ah.

Waxay ay Mareykanku dalalka gobolka ka dambadeen inaysan caawinin markabkaas.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in xog horay usoo baxday ay muujisay in markabkan, oo ay saliid ka buuxdo, uu u socday dakadda magaalada Kalamata ee koonfurta dalka Giriigga.

Hase ahaatee, hadda wuxuu markabkan ka gudbay Giriigga, isagoo sii maray badda Mediterranean-ka, wuxuuna 31-da bishan Agoosto ku xiran doonaa dakadda magaalada Mersin ee dalka Turkiga.

Dowladda Giriigga ayaa dhawaan sheegtay inaysan wax caawinaad ah siin doonin markabkaas saliidda wada.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Mareykanka, kaasoo ay uga jawaabayaan go'aanka uu Turkiga ku qaatay in markabkan uu waddankiisa ku xirto.