Ilhaan Cumar: Trump markuu iga hadlaba dil baa la iigu hanjabaa

0
Friday August 30, 2019 - 11:21:52 in by salman abdi
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhaan Cumar: Trump markuu iga hadlaba dil baa la iigu hanjabaa

    Ilhaan Cumar: Trump markuu iga hadlaba dil baa la iigu hanjabaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilhaan Cumar: Trump markuu iga hadlaba dil baa la iigu hanjabaa

Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay in hanjabaad cunsurinimo ah loo soo diray loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono "qof awood u leh oo qori wayn wata".

Ilhaam Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in fariimo dadka soo diraya ay is qarinayaan oo noocaas oo kale ah ay sababeen in ay ilaalo samaysato.

Waxay hadadalkaas sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in "Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya".

Xildhibaanka xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ayaa ku baaqay in Ilhaan laga eryo aqalka Congress-ka.

"Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale," ayay Arbacadii qortay Ilhaan oo Maraykanka tagtay iyadoo 12 jir ah oo qaxooti ah.

"Balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo."

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @IlhanMN
 

I hate that we live in a world where you have to be protected from fellow humans. I hated it as a child living through war and I hate it now.

But until deranged people like this stop threatening my life and the lives of others, I have to accept the reality of having security. https://twitter.com/lollardfish/status/1166508960612048896…

View image on Twitter
 
11.6K people are talking about this
 
 
 

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @IlhanMN

Presentational white space

Xubanaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa inbadan duray Ilhaan iyaga oo dhaliishan meesha ay ka taagan tahay Israa'iil, waxayna ku eedeeyeen Yuhuud nacayb.

Ihaan ayaa sidoo kale dhaleecayn kala kulantay xubno ka tirsan isla xisbigeeda Dimuqraadiga mar ay ka hadashay calaaqaadka Maraykanka iyo Israa'iil, balse way diiday in ay Yuhuudda neceb tahay.

Waxay raali galin ka bixisay sida ay uga hadashay Yuhuudda iyadii soo qaadanaysay qolyaha Israa'iil u ol'oleeya.

Xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Alabama ayaa meelmariyay qaraar ay ergada Congress-ka gobolka Alaba ugu baaqaya in la billaabo habkii lagu eryi lahaa Ilhaan iyadoo la eegayo hadalladii ay ka tiri Israa'iil, arrintaas ayaana la sameeyay maalmahihii nasashada ee Maraykanka ama Sabtidii iyo Axaddii, sida uu ku warramay AL.com

Omar oo arrintaas iska dhicinaysa ayaa Talaadadii tiri "Dadka ku sugan 5th District ee gobolka Minnesota ayaa 78% ii codeeyay oo i doortay, xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ima soo dooran.

Waxay intaas ku sii dartay duritaan ay u jeedisay Moore, iyada oo soo qaadanaysa eedaynta ay soo jeediyeen saddexda dumar ah oo sheegay in uu arrimo galmo la xiriira kula kacay markay da'yarta ahaayeen.

Ka gudub Twitter daabacaad 2 W.Q @IlhanMN
 

Sorry, @ALGOPHQ, but this is a representative democracy.

I was elected with 78% of the vote by the people of Minnesota's 5th District, not the Alabama Republican Party.

If you want to clean up politics, maybe don’t nominate an accused child molester as your Senate candidate? https://twitter.com/thehill/status/1166460891283505152…

 
72.2K people are talking about this
 
 
 

Dhammaadka Twitter daabacaadda 2 qore @IlhanMN

Presentational white space

Moore oo 71 jir ah ayaa diiday dhammaan eedaymaha loo soo jeediyay wuxuuna Isniintii maxkamadda geeyay dacwado sumcad dil ah oo ka dhan ah dumarkaas.

Roy Moore ayaa u loolamaya murashaxnimada Senate-ka ee gobolka AlabamaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionRoy Moore ayaa u loolamaya murashaxnimada Senate-ka ee gobolka Alabama

Arbacadii wuxuu Twitterka ku soo qoray in ay Ilhaan tahay "Cadawga Israa'iil" wuxuuna soo qaatay weerarkii dhawaa ee Donald Trump.

Trump ayaa cunsurinimo lagu eedeeyay bishii Luulyo ka dib markii uu ku baaqay in dumarka congress-ka ku jira ay "ku laabtaay dalalkooda "aan wax jira ahayn ee musuqmaasuqa ah," iskastoo uusan magacyo sheegin.

Twitterka uu qoray ka dibna dad halhays ka dhigtay "dib u celi" ayaa codka isla helay iyadoo uu Trump khudbad ka jeedinayo isu soo bax.

Presentational white space

Ilahaan ayaa sheegtay in ay hanjabaado dil ah oo dheeri ah la kulanto markaste oo ay dhaleecayn kala kulanto madaxweynaha.

Xildhibaanaddan ayaa wajahaysa su'aalo ay gacata ku hayaan Guddiga Doorashada ee Faderaalka oo ka timid National Legal and Policy Center, kuwaas oo ku saabsan in Ilhaan ay lacagtii ol'olaha doorashada u adeegsatay in ay siiso lataliye dhanka siyaasadda ah kaas lala xiriiriyay in uu dareen dhexmaray.

Ilahaan ayaa diiday in ay gogol dhaaf samaysay, iyada oo waraysi siisay CBS Minnesota ayayna diiday in ay ka faalooto nolosheeda.