Shirka dib-u- heshiisiinta Galmudug oo dib u dhacay
Shirka dib-u- heshiisiinta Galmudug oo dib u dhacay
Guddiga shirka diyaarinaya ayaa sheegay qorshihii hore ee ahaa inuu maanta shirka furmo inuu dib ugu dhacay Khamiista berri ah,sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.
Shirka dib-u- heshiisiinta Galmudug ayaa dib u dhacay, sababo lagu sheegay arrimo farsamo.
Magaalada Dhuusamareeb waxaa haatan ku sugan dhammaan Ergada ka qeyb-galeysa Shirka,iyada oo shalay ergadii ugu dambeysay oo ka timid deegaanka xeraale ay halkaasi gaareen,waxana jirtay in shirkaasi tira laba jeer ah uu dib u dhacay.
Shirkan oo dib u dhacay labo jeer oo xigta kaddib muranno siyaasadeed oo soo kala dhax-galay dowladda iyo madaxda Ahlu Sunna.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa horay u sheegay in shirkaasi looga hadli doono ,sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay,doorka ay dowladda Federaalka ku yeelaneyso dhismahaas iyo qodobo kale.
Shirka dib-u- heshiisiinta Galmudug oo dib u dhacay
Shirka dib-u- heshiisiinta Galmudug oo dib u dhacay