Beesha Caalamka Oo Wada Dedaalo Dublamaasiyadeed Oo Layskugu Soo Dhawaynayo Madaxweyneyaasha Muuse Biixi Iyo Farmaajo

0
Friday September 06, 2019 - 11:16:43 in by salman abdi
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Oo Wada Dedaalo Dublamaasiyadeed Oo Layskugu Soo Dhawaynayo Madaxweyneyaasha Muuse Biixi Iyo Farmaajo

    Beesha Caalamka Oo Wada Dedaalo Dublamaasiyadeed Oo Layskugu Soo Dhawaynayo Madaxweyneyaasha Muuse Biixi Iyo Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Caalamka Oo Wada Dedaalo Dublamaasiyadeed Oo Layskugu Soo Dhawaynayo Madaxweyneyaasha Muuse Biixi Iyo Farmaajo

dublamaasiyiin ka tirsan beesha caalamka ayaa dedaal ugu jira sidii ay u suura gelin lahaayeen in mar kale dib loo bilaabo wada hadaladii u dhaxeeyey somaliland iyo soomaaliya.


Wararka laga helayo dublamaasiyiintan ayaa sheegaya inay cadaadis xoogan ku saarayaan madaxweyneyaasha somaliland iyo soomaaliya kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey iskaga dab qaadayey si ay layskugu soo dhaweeyo.

 

 

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay jiraan wadamo badan oo danaynaya inay markii ugu horaysay marti geliyaan wada haddalada somaliland iyo soomaaliya kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Norwey iyo Switzerland.

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa war murtiyeed uu ka soo saaray kulan xukuumadu yeelatay waxa uu ku sheegay in somaliland ay diyaar u tahay inay wada hadal la galaan soomaaliya, halka madaxweyne Farmaajo uu isna dhawaan magacaabay guddi uu sheegay inay wakiil kaga noqonayaan wada hadal toos ah oo ay la galaan soomaaliya.

Dhinaca kale guddida wada hadalka u qaabilsan soomaaliya ee uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ayaa waxa ku jira xubno ka soo jeeda deegaano ka mid ah somaliland balse madaxweynaha somaliland ayaa ganafka ku dhuftay in somaliland wada hadal la gasho xubno ka socda soomaaliya oo deegaan ahaan ka soo jeeda somaliland.

Sidoo kale dedaalada dublamaasiyadeed ee socda ayaa xooga saaraya in markii ugu horaysay laysa soo hor fadhiisiyo madaxweyneyaasha somaliland iyo somaliya kuwaas oo mudooyinkii ugu dambeeyey iska weeraray warbaahinta si ay isfaham guud uga gaadhaan wada hadalka labada dal,inkasta oo madaxweynaha somaliland aanu wali magacaabin guddi u qaabilsan wada hadalka soomaaliya.


Xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa somaliland iyo soomaaliya ayaa gaadhay halkii ugu saraysay horaantii sanadkii 2018 taas oo keentay inay burburaan wada hadal u socday labada dal oo ay bilaabeen madaxweyneyaashii hore ee Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.